Raja: Ajaaniibta in lasoo hormariyo safka qaadashada talaalka, hala qiimeeyo.

0
73
Wasiirka dhaqanka Norway: Abid Raja Foto: Ilja C. Hendel/Kulturdepartementet

Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanka Norway, Abid Raja ayaa sheegay inay dhici karto in hey´adaha caafimaadka ay qiimeeyaan, in qaar kamid ah qawmiyadaha ajnabiga ah ee Norway kunool, lasoo hormariyo safka qaadashada talaalka, maadaama ay ku badanyihiin dadka uu soo rito xanuunka covid-19 ee la dhigo isbitaalada Norway.

Sida laga soo xigtay hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI, jaanis in dadka Pakistan kasoo jeedo ee Norway kunool isbitaalka loo dhigo feyruska Corona, ayaa 24 jibaar ka badan jaaniska qofka Norway ku dhashay ee qaaday xanuunka feyruska Covid-19.

Cilmibaari lagu sameeyay isbitaalka Rikshospital ee magaalada Oslo ayaa lagu ogaaday in tirada dadka kasoo jeedo Aasiyada Koonfureed ee Norway kunool, uu aad ugu badanyihiin dadka covid-19 dartiis loo seexiyay isbitaalada norway. Waxeyna arrintaas sidoo kale u keentaa xanuuno halis ah oo noloshooda danbe saameyn ku yeesha.

Hey´addaha caafimaadka ayaa maanta oo isniin ah dib-qiimeyn ku sameyn doono habka loo bixiyo talaalka, waxaana qiimeynta lagu dari doonaa warbixinta ku saabsan in dadka kasoo jeedo qawmiyadaha ajaaniibta ah qaarkood uu saameyn ka badan dadka intiisa kale ku leeyahay feyruska Corona.

Geir Bukholm oo ah agaasimaha qeybta cudurada faafa ee hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway(FHI) ayaa dhankiisa sheegay in sababta keeni karto in dadka ajaaniibta ah ay ku bataan dadka uu rito xanuunka Covid-19, ay kamid noqon karto inay horey u qabeen xanuuno kale, sida tusaale ahaan sonkor(macaanka) iwm.

Xigasho/kilde: Raja: Bør vurdere om innvandrere skal rykke fram i vaksinekøen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments