Norway: Soomaali dil geystay oo maxkamad ay xukuntay.

0
141

Maxkamada magaalada Sarpsborg ee dalkan Norway ayaa in lagu hayo goobaha lagu xanaaneeyo dadka maskax ahaan xanuunsan ee danbiyada geystay, ku xukuntay nin soomaali 32 sano jir oo sanadkii hore haweenay ku dilay magaalada Sarpsborg.

Ninka la xukumay ayaa dilay haweenay lagu magacaabi jiray Marianne Haugen oo 54 sano jir aheyd, wuxuuna dhaawacay labo dumar oo soomaali ah oo daris ahaayeen.

Ninka la xukumay ayaa maxkamada ka hor sheegay in maskaxdiisa ay ka hadlayeen codad ka codsanayo inuu wax dilo, wuxuuna sheegay inuu aaminsanaa in la sixray oo duulal ay madaxiisa qabsadeen.

Khuburo cilmi nafsiga ah oo 32-jirkan soomaaliga ah baaritaan ku sameeyay, ayaa horey warbixinta cilmi-nafsiga ee eedeysanaha, waxey ku sheegeen in maskaxiidusu ay maqneyd xiliga uu dilka geysanayay. Xeer ilaalinta ayaa dhankooda horey u sheegay in ninkan aan ciqaab ahaan xabsi loogu xukumi karin danbiga uu geystay, waxeyna maxkamada ka codsadeen in lagu xukumo in lagu hayo goobaha lagu xanaaneeyo dadka danbiyada geysta ee dhimir ahaanta u xanuunsan.

Warbixin laga akhriyay dhageysiga maxkamada ayaa lagu sheegay in laamaha caafimaadka ee magaalada Sarpsborg ay sanadkii 2017 ka wel-welsanaayeen caafimaadka maskaxeed ee ninkan oo horey loo seexiyay isbitaalka dhimirka, maadaama uu la ildirnaa xanuuno maskaxiyan ah.

Gabar ilmo adeer la ah 32-jirka la xukumay ayaa sheegtay in bilihii ka horeeyay xiliga uu ina adeerkeed dilka geysanayay, ay aad uga welwelsaneyd xaaladiisa caafimaad, ayna dhowr mar isku deyday inay isbitaalka seexiso, balse ay ku guuleysan weyday, maadaama shaqaalaha caafimaadka Sarpsborg ay sheegeen inaysan xoog u adeegsan karin.

Qareenka ninka la xukumay ayaa isaga eed dusha uga duuray laamaha caafimaadka Sarpsborg oo uu ku eedeeyay inay ka seexdeen shaqadoodii, ayna aheyd inay wax ka qabtaan xaalada caafimaad ee dhimirka oo ninka dilka geystay, kahor inta uusan falkaaas naxdinta leh dhicin.

Xigasho/kilde: Mann dømt til tvungent psykisk helsevern for Sarpsborg-drap: – Reiste ut for å drepe.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments