Magaalada Oslo oo ugu danbeyn la furay: Sharciyadan ayaa laga dul-qaaday

0
198
Reymond Johansen: Gudoomiyaha dowlada hoose ee Oslo Foto: Skjermdump

Gudoomiyaha maamulka degmada Oslo, Reymond Johansen ayaa shir jaraa´id oo uu maanta qabtay ku sheegay in dowlada hoose ee magaalada, ay go´aansatay in la gudo galo wareega labaad(2) ee qorshaha dib-u-furitaanka magaalada Oslo oo mudo 5 bilood ah ku jirtay xayiraad adag.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu war farxad leh u wado shacabka kunool magaalada, ayna dhawaan nolosha magaaladu kusoo noqon doonto sidii caadiga aheyd ee lagu yaqaanay. Wuxuuna sheegay in labada bilaabo 26-ka bishan May(5) oo ku aadan maalinta Arbacada ah ee isbuuca danbe, magaalada laga dulqaadi doono qaar kamid xeerarkii adkaa ee xakameynta feyruska Corona.

Dowlada hoose ee magaalada Oslo ayaa sheegtay in maalinta Arbacada ah ee 26-ka bishan May(5) magaalada uu laga bilaabi doono dhaqangalinta wareega labaad ee furitaanka magaalada. Wareega labaad ayaa xanbaarsan in:

  • La furo maqaaxiyaha cuntada, goobaha kafeega lagu iibiyo, iyo meelaha kale ee khamriga lagu cabso. Waxaase saaran sharci ah inay ugu danbeyn xiraan inta aan la gaarin 22.00 habeenimo.
  • Waxaa dib loo furi doonaa goobaha jimicsiga iyo tababarka. Sido kale waxaa la furi doonaa goobaha dabaasha. Waxaase ku xiran shardi ah in la yareeyo tirada halmar goobahaas ku kulmi karo.
  • Waxaa dib loo furi doonaa goobaha shaneemooyinka, matxafyada, tiyaarada iyo goobaha kale ee dhaqanka.
  • Waxaa la ogolaaday inay la sameyn karo kulan goob xiran ka dhacayo oo ay isugu imaan karaan dad gaarayo 20 qof. Waa hadii ay ku fariisanayaan goobo cayiman oo loo meeleeyay.
  • Waxaa waxaa la ogolaaday in dib loo furo goobaha cibaada, balse waxaan ku xiran shardi ah inay in hal mar ka badan aysan isugu imaan karin dad ka badan 20 qof.
  • Waxaa la ogolaaday in la abaabuli karo kulan meel banaan ka dhacayo, oo ay isugu imaan karaan dad gaarayo 50 qof ugu badnaan.

Xigasho/kilde: Oslo gjenåpner: – Kjære Oslo, nå skjer det!.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments