Madaxweynaha dalkan: Qofkii talaalka qaata, lacag abaalmarin ah ayay dowladu siineysaa

0
77
Madaxweynaha Serbia: Aleksandar Vucic. Foto: Madaxtooyada Serbia

Madaxweynaha dalka Serbia Aleksandar Vucic ayaa muwaadiniinta dalkiisa u balanqaaday lacag abaalmarin ah, hadii ay qaataan talaalka feyruska Corona. Wuxuuna sheegay in dowladu ay abaal-marineyso dadka qaata masuuliyada badbaadinta bulshada.

Arrintan ayaa timid kadib markii dadweynaha Serbia ay shaki xoogan ka muujiyeen qaadashada talaalka Corona.

Guud ahaan waxaa Serbia kunool 7 milyan oo qof, waxaana ilaa hada talaalka qaatay 1,3 milyan oo qof. Dowlada dalkaas ayaa rajeyneyso in bishan May ay talaalka qaataan ilaa sadex milyan oo qof oo kale.

300 kr oo abaalmarin ah:

Madaxweynaha dalkaas ayaa muwaadiniinta qaata talaalka Corona, inta lagu gudo jiro bishan May u balanqaaday abaalmarin lacageed oo gaareyso 3000 diinaar oo lacagta dalkaas ah, una dhiganta 300 kr oo lacagta Norway ah, ama qiyaastii 28$(dollar). Waxaana lacagtaas heli doono dadka ka waaweyn 16-ka sano ee talaalka qaata inta lagu jiro bishan May ama horey u qaatay talaalka.

Lacagta 3000 diinaarta ah ayaa u dhiganta qiyaastii 5% mushaarka qofka shaqeeya ee kunool dalka Serbia.

Xigasho/kilde: Serbia in ‘world first’ as citizens offered €25 to have COVID vaccin.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments