Fanaanka Cabdi Qaboojiye oo Oslo ku geeriyooday

0
274

Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Oslo ku geeriyooday fanaanka Cabdi Jaamac Caabi oo ku magac-dheeraa Cabdi-Qaboojiye. Fanaanka ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay isbitaalka u jiifay feyruska Corona, waxaana isbuucyo kahor baraha bulshada lasoo galiyay muuqaalo uu iska duubay fanaanka oo xaaladiisu ay markaas liidatay.

Wiil uu dhalay fanaanka ayaa maalmo kahor baraha bulshada soo galiyay qiso dheer oo ku saabsan in shaqaalaha caafimaadka iyo dhakhaatiirta ay dayaceen aabihiis, sababna ay u ahaayeen in xaaladiisu ay kasii darto. Halkan kasii Akhri(riix) qoraal dheer oo uu Barta Instgramka soo galiyay wiil uu dhalay Allah u ha naxariistee fanaan Qaboojiye, kaas oo uu uga sheekeynayo wixii ay kala kulmeen shaqaalaha isbitaalka, tan iyo maalintii koowaad ee fanaanka isbitaalka loo geeyay xanuun kooban la xiriira feyruska Covid-19.

Allah ha u naxariistee Cabdi Jaamac Caabi ayaa kamid ahaa fanaaniitii ugu horeysay ee kasoo baxday soomaalida dalkan Norway, inkasta oo markii danbe uu u badnaa dalweynaha Ingiriiska.

Waxaa baraha barta internetka ka socoto lacag uruurin sadaqo ah oo loo sameynayo ceel loo sadaqeynayo fanaanka geeriyooday. Halkan kaga qeybqaado.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments