Dowlada oo mamnuucday iibsiga iyo heysashada baan-gadaha(Mindiyaha waaweyn).

0
132
Baangada

Dowlada Norway ayaa soo rogtay sharci mamnuuc ka dhigayo in la iibsado ama la heysto mindiyaha waaweyn ee soomaalidu ay baangadaha u yaqaanaan. Sharcigan oo jimcihii la meelmariyay ayaa dhaqangalsiigu wuxuu ka bilaabanayaa kowda(1) bisha Juni(6) ee sanadkan(2021).

Wasiiradda cadaalada Norway, Monica Mæland ayaa sheegtay in dowladu ay mamnuucday iibsiga iyo heysashada baangadaha. Iyada oo ay arrintan qeyb ka tahay qorshaha dowlada ee la dagaalanka kooxaga gaangiga ah ee ka shaqeeyay falal danbiyeedyada agaasiman.

Dowlada ayaa dadka leh ama horey usoo iibsaday baangado siineyso mudo hal sano ah oo sharcigan cusub ay u hogaansamaan, waxaana dhaqangalka mamnuucista lahaanshaha baangadaha uu dhaqangalkiisu si rasmi ah u bilaabanayaa bisha Juni ee sanadka 2022. Balse iibsiga xeerka mamnuucista iibsiga baangadaha ayaa ka bilaabanayo kowda(1) bisha Juni(6) ee sanadkan(2021).

Adeegsiga baangadaha ayaa qeyb weyn ka ah Dagaalada iyo gacan-ka-hadalka dhexmara kooxaha ka gaangiga ah ee uu ka dhaxeeyo xifaaltanka. Booliska ayaana horey dhowr cabasho uga gudbiyay adeegsiga baangadaha oo geysta dhaawacyo xoogan, marka loo adeegsado dagaal.

Xigasho/kilde: Nå blir det forbudt med machete: Sender et tydelig signal til gjengene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments