torsdag, april 25, 2024

Dowlada: Dadka kasoo gala UK iyo dalalkan ayaa laga dhaafay hotelka karantiilka

Dowlada Norway ayaa shaley soo saartay war saxaafadeed ku saabsan in wax ka badal lagu sameeyay shuruucda soo galitaanka Norway ee lagu xakameynayay socdaalka dadka kasoo gala dalalka dibadda ah.

Waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in wixii ka bilowda Khamiista isbuuca danbe(27-ka bishan mai) dadka kasoo gala U.K iyo dalalka kale ee Yurub ah ee faafitaanka xanuunku uu aad u yaryahay, laga dhaafi doono karantiilka hotellka.

Dowlada ayaa sidoo kale meesha ka saareyso xeerkii safarka u kala saari jiray mid daruuri( muhiim) ah iyo mid aan muhiim aheyn, waxaana hada wixii ka danbeeyo wax lagu qiimeyn doonaa tirada faafitaanka xanuunka ee dalka uu qofku ka yimid.

Dowlada ayaa dhanka kale sheegtay in dhamaan dadka kasoo gala dalalka ka baxsan qaarada Yurub la galin doono hotellka karantiilka, ilaa laga helayo jawaabta baaritaanka corona ee negativ ah, ugu yaraan 7 maalin kadib, marka ay wadanka soo galeen.

Sidoo kale dadka kasoo gala dalalka Yurubta ah ee xanuunka uu ku badanyahay ayaa iyagana wali uu qaban doonaa sharciga karantiilka hotellka.

Halkan kasii akhri war saxaafadeedka dowlada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x