Dawladda oo go’aamisay in 24-kan degmo loo kordhiyo tallaalka corona.

0
135
Wasiirka caafimaadka Norway. Foto: Borgos Foto AS

Dowlada Norway ayaa go´aamisay in degmooyinka qaarkood la siiyo talaal dheeri ah, arrintaas oo qeyb ka ah qorshaha cusub ee talaalka ee dowlada. 24 degmo oo cudurku uu muddo dheer ku badnaa, ayaa tallaalka 60 % loo kordhinayaa, sida lagu sheegay warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

Sababta ugu muhiimsan ee ay dawladdu degmooyinka tallaalka ugu kala badinayso, ayaa ah in ay taasi sare u qaadayso fursadda aan si wadajir ah bulshada goor hore dib ugu furi karno. Cid kasta ayay dan ugu jirtaa, ayuu yiri Bent Høie oo ah wasiirka caafimaadka iyo daryeelka.

Toddobaadki hore ayay dawladdu go’aamisay in degmooyinka tallaalka loo kala badiyo, laakiin waxaa lagu xiray in degmooyinka tallaalka laga yareynayo bisha juun iyo billowga luuliyo ay awoodaan in ay tallaalki dhaafay dadka siiyaan qaybta danbe ee luuliyo.

Degmooyinka talaalka loo kordhin doono ayaa kala ah:

Degmooyinka tallaalka loo kordhin doono: Asker, Bærum, Drammen, Eidsvoll, Enebakk, Fredrikstad, Halden, Indre Østfold, Lier, Lillestrøm, Lørenskog, Nannestad, Nesodden, Nittedal, Nordre Follo, Oslo, Rakkestad, Rælingen, Råde, Sarpsborg, Skien, Ullensaker, Vestby iyo Ås.

Waxaa la filayaa in ay qaybinta tallaalka la kala badsanayo billaaban karto toddobaadka 23-aad. 24-ka degmo ee mudnaanta la siiyay waxay tallaalka koowaad ka helayaan qiyaasti boqolkiiba 60 in ka badan intii ay marki hore heli lahaayeen, waxayna helayaan ilaa iyo inta dhammaan dadka 18 ka weyn tallaalka loo fidinayo.

Oslo, Sarpsborg, Fredrikstad iyo Lørenskog oo dhammaan mudnaan la siiyay, waxaa loo kordhinayaa ilaa iyo boqolkiiba 40.
Go’aankan ayaa wuxuu keenayaa in 309 degmo ay muddo ilaa 7 toddobaad ah heli doonaan tallaal koowaad oo celcelis ahaan boqolkiiba 35 ka yar inti ay heli lahaayeen marka la eego tirada dadweynaha halkaas ku nool.

Xigasho/kilde: Bekrefter: 24 kommuner får flere vaksinedoser

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments