Akhri: Oslo oo laga qaaday xayiraadaha qaarkood, kuwa kalena la qiimeynayo

0
113
Reymond Johansen: Gudoomiyaha dowlada hoose ee Oslo Foto: Skjermdump

Maamulka dowlada hoose ee magaalada Oslo, ayaa maanta shir sharaa´id oo ay qabteen ku sheegay in laga bilaabo isbuucan la qaadayo qeybta labaad ee xayiraadaha feyruska Corona ee saarnaa magaalada ku dhawaad labadii bilood ee ugu danbeeyay. Waxeyna sheegeen in hada ay muuqato in tirada dadka uu ku dhacay Corona-virus ay yaraatay, marka la barbardhigo bilihii Maarso iyo April.

Maamulka magaalada ayaa go´aamiyay in:

  • Laga bilaabo maalinta khamiista ah ee lixda(6) bishan Mai, waxaa dib loo furi karaa dukaamada magaalada Oslo iyo xarumaha ganacsiga(Senterada).
  • Waxaa la dabciyay xayiraadaha adkaa ee saarnaa iskuulada hoose iyo dhexe ee magaalada, waxaa laga dhigay xaalada jaalaha ah(dhexe), halka ay markii hore aheyd guduud(xaalada ugu sareyso).
  • Waxaa si tartiib tariib ah loo furi doonaa maktabadaha ama goobaha wax akhriska ee magaalada.
  • Waxaa si tartiib tartiib ah dib loogu furi doonaa xarumaha dadka waayeelka ah.

Wareega labaad: Laga bilaabo 20-ka Mai:

Maamulka dowlada hoose ee magaalada Oslo ayaa sidoo kale sheegay in wixii ka danbeeyo 20-ka bishan Mai, la qiimeyn doono in loo gudbo wareega labaad ee qaaditaanka/qafiifinta xayiraadaha saaran magaalada Oslo. Waxaa wixii xiligaas ka bilowdo la qiimeyn doonaa in:

  • La furo Kafeeyada iyo goobaha maqaayada
  • Dib loo furo goobaha khamriga, laakiin shardi looga dhigo inay xiraan 22:00 habeenimo.
  • Dib loo furo goobaha jimicsiga
  • Dib loo furo goobaha cibaada, laakiin lagu xiro shardi ah in dad ka badan 20 qof aysa halmar wada kulmi karin.

Xigasho/kilde: Flere lettelser i Oslo: Begynner på trinn to i gjenåpningen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments