Xaaji Cabdullaahi Abshir oo xalay Ankara ku geeriyooday.

0
148
Xaaji Cabdulaahi Abshir Muuse

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa, waxaa Alle ha u naxariistee xalay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku geeriyooday Xaaji Cabdulaahi Abshir Faarax oo kamid ahaa odoyaasha aadka looga yaqaanay bulshada magaalada Oslo, kana mid ahaa odoyaasha iyo waxgaradka geed-fadhiga ah ee bulshada soomaaliyeed ee Oslo kunool.

Geerida Xaaji Cabdulaahi Abshir ayaa xalay ilaa maanta aadka looga dareemayaa baraha bulshada oo ay ku kulmaan ama ku xiriiraan bulshada soomaalida ah ee Norway, gaar ahaan Oslo. Waxaana xaajiga geeriyooday lagu xusuustaa inuu ahaa qof bulshaawi ah oo dadka oo dhan saaxiib la ah, inta badana aan laga waayi jirin masaajidka soomaalida ee Tawfiiq.

Allah ha u naxariistee Xaaji Cabdulaahi Abshir Faarax ayaa la dhashay reysulwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna duqii magaalada Muqdisho ee xiligii dowladi Siyaad Barre, Xasan Abshir Faarax.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments