SV iyo Rødt: Haweenka haloo ogolaado inay ilmaha iska soo tuuraan ilaa isbuuca 22.aad(5-6 bilood) ee uurka.

0
201

Maalmahan waxaa warbaahinta dalkan Norway ka socotay dood kadhex socoto xisbiyada siyaasada Norway, lana xiriirta xiliga ay dowladu ogolaan karto in haweenka uurka yeeshay, ee aan rabin inay ilmo dhalaan iska soo tuuri karaan ilmaha ay uurkiisa qaadeen.

Norway waxaa caadi ahaan sharci ah in haweeneydu, ay si iskeed ah ilmaha uurkeeda galay iska soo ridi karto, ilaa inta uu uurku gaarayo isbuuca 12.aad. Sidoo kale waxaa loo ogolaan karaa inay ilmaha iska soo rido inta u dhaxeysa isbuuca 12.aad ilaa midka 18.aad, hadii ay jirto sabab caafimaad ama danbi(Ilmo kufsi ku caloolgalay iwm) oo macquul ah. Waxaana go´aankaas gaaraya gudi loo xilsaaray inay go´aan ka gaaraan ilmaha lasoo ridiyo.

Ilmaha uurka galay ayaa caadi ahaan ku dhasha isku cel-celis 40 isbuuc ama 280 maalmood. Dumarka ugu badan ee ilmaha iska soo tuura ayaa ah dumarka da ahaan jiro 15-29 sano..

Xisbiyada bidixta: Ilaa isbuuca 22.aad hala ogolaado:

Dooda ku saabsan ilmaha uurka galay ee lasoo tuuro, ayaa kamid ah waxyaabaha mar walba doodaha culus ka dhaliyo xisbiyada siyaasada Norway. Waxaana markan dooda soo cusbooneysiiyay xisbiyada Ap, MDG iyo Venstre oo raba in haweeneyda loo ogolaado inay si iskeed ah go´aan uga gaari karto inay ilmaha iska soo tuurto, ilaa inta uu uurku gaarayo isbuuca 18.aad. Halka SV iyo Rødt ay rabaan in mudo kordhintaas la gaarsiiyo ilaa isbuuca 22.aad, laga soo tiriyo isbuuca koowaad ee ilmuhu calool galo.

Xisbiyada SV iyo Rødt ayaa sidoo kale raba in meesha laga gaaro gudiga go´aanka ka gaaro in haweeneydan loo ogolaan karo inay ilmaha soo tuurto iyo inkale.

Xisbi Diimeedka KRF ayaa ilaa hada ah xisbiga kali ah ee si cad uga soo horjeestay in la kordhiyo mudada haweeneyda loo ogolaan karo inay ilmaha uurkeeda galay ay soo ridi karo.

Dhanka kale waxey dood kulul oo arrintan ku saabsan ka dhex socotaa dhakhaatiirka, gudiga anshaxa iyo qadarinta nolosha aadmiga(Etikk) iyo haweenka u dhaq-dhaaqa xuquuqda dumarka.

Dooda ugu culus ee labada guruub u dhaxeyso ayaa xoogeedu kusoo uruurayaa in: Ururada u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda dumarka ayaa aaminsanyihiin in haweeneyda xoriyad loo siiyo inay go´aan ka gaari karto jirkeeda iyo ilmaha caloosheeda galay. Halka Dhakhaatiirtu ay aaminsanyihiin in wixii ka danbeeyo isbuuca 12.aad uu ilmuha uurka galay bilaabayo inuu dareen yeesho, sidaas darteed uu mudanyahay inuu fursad u helo inuu noolaado, si lamid ah haweeneydan uu uurkeeda galay(hooyadii).

Xigasho/kilde: Abortdebatten har tatt fyr igjen. Dette er forskjellen på uke 12, 18 og 22..

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments