Solberg oo xiligan soo bandhigi doonto qorshaha dowlada ee furitaanka dalka.

0
191
Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg Foto: Arvid Samland/Statsministerens kontor

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa maalin Arbacada ah hortagi doonto golaha baarlamaanka Norway, si ay uga golaha shacabka uga warbixiso wax ka baqashada xukuumada ee safmarka Corona, iyo qorshaha dowlada ee dib u furitaanka dalka.

Erna ayaa marka ay dhameyso kulanka baarlamaanka, shir jara´id ku balamisay warbaahinta, si ay warbixin uga siiso qorshaha dowlada ee dib u furitaanka dalka. Waxaana shirka jaraa´id la qaban doono wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie iyo agaasimayaasha labada hey´adood ee FHI iyo Helsedirektoratet.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka dadweynaha, Espen Nakstad ayaa isniintii sheegay in si ay dowladu ugu dhiirato furitaanka dalka, ay qasab tahay in tirada dadka cusub ee feyruska laga helayo ay hoos uga dhacdo 200 qof maalintii. Hoos ka daawo wareysi aan horey ula yeelanay Espen Nakstad.

Reysulwasaaraha Norway ayaa isbuucyo kahor sheegtay in dowlada ay ka rajo qabto in dalka la furo inta aan la gaarin bisha September ee sanadkan.

Xigasho/kilde: ERNA SOLBERG REDEGJØR FOR STORTINGET OM GJENÅPNING AV SAMFUNNET ONSDAG.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments