Sababtan ayaysan R.W Solberg wali isku talaalin, iyada oo 60 sano jir ah

0
104
Foto: Statsministerkontoret

Gudoomiyaha maamulka Oslo Reymond Johanson ayaa isbuucan qaatay talaalka Corona, isaga oo warbaahinta la wadaagay muuqaalka marka uu talaalka qaadanayay. Reymond ayaa da´ahaa jiro 60 sano, wuxuuna kujiraa guruubka aan hor-umarinta gaar ahka loo sameynin, ee ku qasbanaa inay sugaan ilaa xiligooda laga gaarayo.

Laakiin Reymond ayaa kamid ahaa dadka iska diiwaangaliyay xafiiska talaalka ee Oslo, si hadii uu soo baxo boos banaan ama ay dad balantooda talaalka baajiyaan, loogu badalo. Wuxuuna sidaas darteed ku helay talaalka, iyada oo aan la gaarin xiligiisii.

Solberg: Maxey isku talaali weyday?

Su´aal ay dad badan is weydiinayeen ayaa ah sababta aysan ilaa hada isku talaalin reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo da´ahaan jirto 60 sano.

Reysulwasaaraha ayaa wargeyska Dagbladet u sheegtay in sababta aysan ilaa u qaadan talaalka, ay tahay inay rasmi ahaan(offisielt) ay ku diiwaangashantahay inay degantahay gurigeeda magaalada Bergen. Inkasta oo ay ku shaqeyso, kuna nooshahay aqalka reysulwasaaraha(Guri dowladeed) oo Oslo kuyaal. Sidaas darteed uusan talaalku wali soo gaarin iyada, maadaama magaalada Bergen talaalka gaaray uu ka yaryahay kan Oslo soo gaaray.

Dagbladet ayaa qoray in reysulwasaaruhu aysan codsan in tixgalin gaar ah loo sameeyo iyada, ama lasoo hormariyo safka talaalka, aysan sheegtay iney sugeyso inta laga soo gaarayo safka dadka ay isku da´da yihiin.

Xigasho/kilde: Derfor er ikke Erna vaksinert.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments