Qoyska labo(2) ilmood ka badan dhala, abaal-marin dhaqaale hala siiyo.

0
50
Åslaug Sem-Jacobsen. Foto: Ragne B. Lysaker / Senterpartiet

Tobankii(10) sano ee ugu danbeeyay waxaa dalkan Norway iyo qeybo badan oo kamid ah dalalka Woqooyiga Yurub ka jirtay dhalmo-yaraan, iyada oo tirada ilmaha cusub ee sanad walba dhasha ay sanadba sanadka ka danbeyso hoos usii dhaceyso.

Sanadkii lasoo dhaafay, waxaa gudaha Norway ku dhashay caruur gaareysa 53.000 qof, tiradaas oo ah tiradii ugu yareyd ee ilma ah ee abid ku dhasha Norway. Halkan kasii akhri

Sp: Qoyska labo ilmood ka badan dhala, dhaqaale ahaan hala abaalmariyo.

Åslaug Sem-Jacobsen oo ah afhayeenka arrimaha qoyska ee xisbiga Sp, ayaa soo jeedisay in si looga hortago dhalmo-yaraanta, dadkana loogu dhiirigaliyo inay ilmo badan dhalaan, ay dowladu dhaqaale ahaan abaalmariso qoysaska dhala wixii ka badan labo caruur ah.

Åslaug ayaa wargeyska Nationen u sheegtay in dhalmo dhalaantu ay tahay dhibaato weyn oo kusoo wajahan Norway, gaar ahaan degmooyinka yar-yar iyo tuulooyinka. Waxeyna tusaale ahaan soo jeedisay in canshuur dhimis loo sameeyo qoyska dhala wixii ka badan labo ilmood, ama loo kordhiyo lacagta taageerada caruurta ama lacagta howlgabka. Si waalidiinta loogu dhiirigaliyo inay ilmo badan dhalaan.

Siyaasiyadan katirsan xisbiga Sp oo kamid ah xisbiyada waaweyn ee mucaaradka, ayaa sheegtay in dumarka oo kali ah aan lagu dhiirigalin ilmo-dhalista, balse ay muhiim tahay in raggana lagu dhiirigaliyo inay ilmo badan dhalaan. Waxeyna sheegtay in qorshaha xisbigeedu aysan aheyn in hooyada aan dusha laga wada saarin masuuliyada ilmo-dhalista, balse raggana ay masuuliyada ka qaataan qeybtooda.

Xigasho/kilde: Sp-politiker vil ha diskusjon om økonomisk premiering av dem som får flere enn to barn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments