fredag, mars 29, 2024

Larvik: Maxkamad qaaday kiis gacan-qaad ah oo u dhaxeeyo Xildhibaan iyo gudoomiye urur soomaali ah

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee ØstlandsPosten, maxkamada magaalada Larvik ayaa isbuucii hore qaaday dacwad la xiriirta kiis gacan qaad ah oo dhexmaray xildhibaan soomaali ah oo katirsan golaha deegaanka Larvik, iyo gudoomiyaha ururka soomaalida Larvik.

Xildhibaankan dhalinyarada soomaaliga ah ayaa gudoomiyaha ururka soomaalida Larvik ku dacweeyay inuu u geystay gacan-qaad gaarsiiyay jug madaxa ah oo uu isbitaalka u tagay, halka gudoomiyaha la eedeeyay uu isna sharaxaad nooc kale ah ka bixiyay qaabka ay wax u dhaceen.

Gudoomiyaha la eedeeyay ayaa sheegay inuu kujiray is difaac, maadaama labadooda uu dhexmaray muran adag, kahor inta uusan gacanta la hormarin, isaga oo kujiray is difaacis uu naftiisa difaacayay ah.

Qof sadexaad oo goob-joog ah ka ahaa dhacdada dhexmartay labadan qof ee caanka ka ah soomaalida kunool deegaanka Larvik, ayaa isagana dhankiisa maxkamada ka hor sheegay sharaxaad kale oo ka gadisan tan labada qof ee is eedeeyay maxkamada ka sheegeen.

Xeer ilaaliyaha kiiska ayaa maxkamada ka codsaday in 60 maalmood oo xabsi ah iyo ganaax 10.000 kr lagu xukumo eedeysanaha kiiska oo ah gudoomiyaha ururka soomaalida Larvik.

Halka qareenka difaacayo gudoomiyaha uu maxkamada ka dalbaday in kiiska dhanba la laalo, maadaama sharaxaada uu bixiyay qof markhaatiga ah ay is waafaqeen sharaxaada uu bixiyay gudoomiyaha iyo qofka markhaatiga ah oo aan wax xiriir ah la laheyn labadooda.

Maxkamada oo kiiska dacwada ah dhageysatay isbuucii hore, ayaa isbuucan xukumi doonto kiiska.

Xigasho/kilde: Kommunestyrepolitiker skal ha blitt slått ned av lederen for Somalisk forening i Larvik.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x