Haweeneydii hooyo ahaanta loogu geeyay inay koriso, ayaa ku eedeysan inay faro-xumeysay.

0
155

Maxkamada magaalada Oslo waxaa shaley ka bilaabatay kiis dacwad ah oo ka dhan haweenay ku eedeysan inay faro-xumeysay wiil ay barnevern-ku ku wareejiyeen xanaanadiisa, si ugu noqoto hooyo koriso (Fostermor). Marka laga tago wareysiga wiilka laga qaaday, cadeynta ugu weyn ee ay boolisku heystaan ayaa ah muuqaal lagu duubay kaamiro lagu xiray musqusha guriga, taas oo uu musqusha ku xiray ninka qaba haweeneydan oo ka shakiyay inuu xiriir galmo ah ka dhaxeeyo xaaskiisa iyo wiilka gurigooda kunoolaa.

Haweeneydan ayaa dhankeeda sheegtay in iyada ay tahay qofka dhibana ah dhibaatada lagu sameeyay, lana kulantay xadgudubka galmada ah. Waxeyna sheegtay in sida uu wiilka wax u sheegay, aysan sax aheyn.

Booliska ayaa haweeneydan ku eedeynayo inay fara-xumeyn iyo xadgudub galmo ah u geystay wiilka gurigeeda ku noolaa oo markaas ka yaraa da´da qaangaarnimada ee 18-ka sano. Waxeyna boolisku sheegeen in wiilka dhibana ah uu sheegay in haweeneyda uu gurigeeda ku noolaa ay galmo wada sameeyeen 50 ilaa 100 jeer mudadii uu xiriirka jinsiga ah ka dhaxeeyay.

Wiilka ayaa dhanka kale sheegay in labadooda uu dhexmaray xiriir dareen ah, uusana rabin in midkoodna uu xabsi galo. Wuxuuna cadeeyay in muddo dheer uu socday xiriirka dhexdooda ah, ayna xitaa mararka qaarkood ku kulmi jireen hotell guriga ka baxsan.

Ninka qaba haweeneyda eedeysanaha ah ayaa sidoo maxkamada kaga markhaati furo xaaskiisa.

Dhageysiga maxkamadan ee kiiskan ayaa socon doonto shan maalmood.

Xigasho/kilde: Hemmelig video kan bli sentralt bevis.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments