Xisbiga shaqaalaha ee dalkan Norway( Ap) ayaa shaley lahaa shir sanadeedka weyn(Landsmøt3) ee xisbigaas, waxaana sanadkan shirkaas loo qabtay qaab fogaan arag ah(Digital).

Gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større, ahna musharaxa reysulwasaare ee xisbiyada bidixda sanadkan u tartamaya doorashada madaxtinimada Norway, ayaa khudbadiisa shirka ka jeediyay tusaale wanaagsan usoo qaatay Maxamed Camaleeti oo ah siyaasi soomaali ah oo katirsan xisbigaaas.

Camaleeti oo katirsan golaha deegaanka magaalada Fredrisktad ayaa ka shaqeeyo xarun caafimaad, waxaana isaga iyo shaqadiisaba lagu soo qaatay muuqaal xayeysiin ah oo xisbigu uu u sameeyay siyaasadiisa muhiimada wax wada qabsiga bulshada, iyo xalinta dhibaatooyinka mujtamaca, gaar ahaan suuqa shaqada.

Johan Gahr Større oo Camaleeti oo katirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Ap huwiyay amaan badan, wuxuu ku amaanay shaqada muhiimka ah ee uu bulshada u hayo. Halkan ka daawo khudbada, iyo xuska Johas Gahr ee Camaleeti.

Camaleeti ayaa dhanka kale kamid ah gudiga xeerbeegtida hey´adda UNE. Sii akhri warbixinta.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments