torsdag, mars 28, 2024

Gabar ay xaaskiisu dhashay oo sharci kumeel gaar ah heysato ayuu kufsaday= xabsi ayaa lagu xukumay

Maxkamada magaalada Oslo ayaa xabsi 2 sano iyo 11 bilood ah ku xukuntay nin kontomeeyo(50+) jir ah oo lagu helay danbi ah inuu kufsaday gabar ay xaaskiisu dhashay oo dalka ku cusbeyd. Falkan ayaa dhacay bishii August ee sanadkii 2019.

Gabadha oo hada labaatameeyo(20) jir ah ayaa maxkamada ka sheegtay in xiliga falkaas uu adeerkeed u geystay, ay heysatay sharciga kumeel gaarka ah ( Midlertig oppholdstillatelse), uuna adeerkeed ugu hanjabay inaysan arrintaas sheegin, hadii ay rabto inay Norway sii joogto.

Xeer ilaalinta maxkamada ayaa dhanka kale soo bandhigay cadeymo taageerayo sharaxaada gabadha ay ka hor sheegtay maxkamada.

Maxkamada ayaa ninkan ku xukuntay 2 sano iyo 11 bilood oo xabsi ah, waxaana sidoo kale lagu xukumay inuu magdhow gaarayo 120.000 kr siiyo gabadha uu adeerka u yahay.

Xigasho/kilde: MANN DØMT FOR VOLDTEKT AV STEDATTER.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x