Frp: Yaan turjubaan loo qaban, qofkii Shan(5) sano ka badan wadanka ku noolaa.

1
56

Sida laga soo xigtay tirokoob ay sameysay hey´adda dib u dajinta ee IMDI, dowlada Norway ayaa sanadkii 2019 oo kali ah adeega u turjubaanida dadka ajaaniibta ah ku bixisay lacag gaareyso 843 milyan kr. Waxaana qarashka ay dowladu ku bixiso turjubaanida ajaaniibta ku yimid kor u kac gaaraya 72% lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Sharciga Norway ayaa dhigaya in qofka loo qabto turjubaan, hadii uusan laheyn aqoon ku filan oo luuqada Norwiijiga ah. Waxaana inta badan turjubaanada adeegsiga hey´addaha ay kamid yihiin maxkamadaha, NAV, UDI-da, Booliska, hey´addaha waxbarashada iyo kuwa caafimaadka.

Meelaha qaarkood, sida dhageysiga dacwadaha oo kale sharciga ayaa waajib ka dhigaya i qofku uu fahmay waxa loo sheegay ama laga sheegay, si sharciga lagu soo oogo ama loo xukumo uu dhaqangal u noqdo.

Sadexda luuqadood ee turjubaanada ugu badan ay dowladu lacagta ku bixiso ayaa ah Carabi, Tigrinja(Ereteriya/Ethiopia) iyo Soomaali. Waxaana soo afreeyo(4) luuqada Poolishka.

Frp:Ma soconeyso in qof 20 sano Norway ku noolaa loo turjumo.

Xisbiga Frp ayaa dhawaan soo bandhigay hindise sharciyeed ay ku sheegeen in lagu yareynayo qarashka ay dowladu ku bixiso turjubaanada, waxeyna baarlamaanka u gudbiyeen soo jeedin ah in qofka aan turjumaan loo qaban shan sano kadib marka uu wadanka ku noolaado.

Himanshu Gulati oo katirsan Frp, asal ahaana Hindiya kasoo jeedo ayaa sheegay in waxa socon karo aysan aheyn in qofku uu sugo inuu helo turjubaan bilaash ah oo dowladu ay u qabato, isaga oo 20 sano wadanka degenaa. wuxuuna sheegay in xisbigooda uu rabo in canshuurta dowlada aan turjuban loogu qaban qofka wadanka degenaa wax ka badan shan sano.

Frp: At noen trenger tolk etter 20 år i Norge er bare feil.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Abdullahi Mohamed
Abdullahi Mohamed
1 year ago

Waa sax in turjubaano loo qabto qofka oo ah qaxooti ah waddanka Norway ku dhalanin waloow oo ku nool yahay 50 danno!

Qofka ku dhasho dalka Norway uma baahno tarjumaad waayo labaatan sanno oo waxbarasho uu helay ay dawladda masruufi jirtay!