FHI: Lixdii(6) bilood ee lasoo dhaafay 13 qof, ayuu hargab ku dhacay: Maxaa isbadalay?

0
181

Sanad walba marka la gaaro xiliga qaboobaha ee bilowga bisha October ilaa dhamaadka bisha April, waxaa loo yaqaan xiligan hargabka. Waxaana qiyaastii sanad walba uu hargab ku dhacaa dad lagu qiyaasay 500.000 qof, halka ay sanad walba cuduro hargab la xiriira ay u dhintaan 900 qof.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo bandhigtay hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI, waa lixdii bilood ee ugu danbeeyay Norway laga diiwaangaliyay 13 qof oo kali ah oo soo sheegay inuu ku dhacay hargab. Markii ugu danbeysay ee qof uu soo sheego inuu hargab ku dhacay, ayaana aheyd bishii February ee sanadkan.

Xanibaada Coronaha:

Rebecca Jane Cox oo cilmibaare katirsan jaamacada Bergen, ayaa sheegtay in arrintan loo sababeyn karo labo waxyaalood: Xanibaada Corona oo yareeyay isku imaadka iyo kulamada dadka, iyo dadka oo ka baaqsaday safaradii badnaa ee wadamada dibadda ah ay ugu bixi jireen.

Cox ayaa sheegtay in sababta ugu badan hargabka uu sanad walba ugu dhici jiray dadka tirada badan, ay aheyd dadka oo isku imaan jiray, hargabkana is qaadsiin jiray. Taas oo ay sheegytay inay hada meesha ka baxday.

Dhamaan dalalka caalamka, ayaa sidoo kale soo warinayo inuu yaraaday tirada dadka sanadkan uu ku dhacay hargabka.

Xigasho/kilde: Influensasesongen nærmer seg slutten – 13 smittede så langt

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments