Dowlada oo sii dheereysay mudada karantiilka hoteelka ee dadka dibadda kasoo noqdo.

0
53
Foto: Regjeringen

Dowlada ayaa maanta sii dheereysay mudada ay shaqeynayaan xeerarka xayiraada Norway ee sababay in la xiro xuduudaha Norway. Dowlada ayaa go´aamisay in xuduudaha Norway ay sii xirnaadaan ilaa 13-ka bisha Mai.

Dowlada ayaa sidoo kale dheereysay shardiga hotellka-karantiilka ee ah in qofkii Norway ka baxa ee aada safar aan muhiim aheyn, uu ku qasbanaan doono inuu ugu yaraan 7 maalmood dago hotellka karantiilka oo uu isagu jeebkiisa ka bixin doono. Halkan kasii akhri.

Wasiiradda cadaalada Norway, Monica Mælend ayaa sheegtay in xaalada corona ay wali tahay mid aan la hubin, sidaas darteed loo dheereynayo shuruudaha xayiraada Norway.

Xigasho/kilde: Reise-reglene forlenges.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments