Booliska: Sanadkan qofna Norway laguma dilin

0
147

Cel-celis ahaan waxaa sanadkii Norway lagu dilaa sodomeeyo(30) qof, laakiin booliska Norway ayaa sheegay in sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan aan qofna lagu dilin gudaha Norway. Arrintaas oo ah mid naadir ah oo aan horey u dhicin, maadaama cel-celis ahaan 8 ilaa qof la dili jiray sadexda bilood ee ugu horeeya sanadka.

Booliska ayaa sheegay in arrintaas ay tahay wax lagu farxo, laakiin hadana waxey sheegeen inay ogyihiin ineysan sii socon doonin, maadaama mar dhow rajo laga qabo in isku socodka dadka iyo ganacsiga dib loo furo, kadib bilooyin xiriir ah oo ay socdeen xanibaadaha feyruska Corona.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa Norway lagu dilay 31 qof, kuwaas oo 15 kamid ah ay ahaayeen dumar, halka 16 kamid ah ay ahaayeen ragg. Dadka ugu badan waxaa dilay qof xiriir dhow la leh, sida saaxiib, nin/xaas hada ama mid hore.

Booliska ayaa sheegay in sanadkan ay ka cabsi qabeen inay kor u kacdo tirada dadka isqaba ee is dila, maadaama inta badan ay dadka guryaha kujiraan, la isna dhibsan karo, laakiin ilaa hada run ma noqon cabsida booliska.

Sweden: 124 qof ayaa sanadkii hore la dilay.

Halka Norway lagu dilay 31 qof, waxaa dalka Sweden sanadki hore lagu dilay 124 qof. Tiradaas ayaa ah tii ugu badneyd ee abid laga diiwaangaliyo gudaha Sweden.

Xigasho/kilde: Ingen drap hittil i 2021: − Bedre enn en kunne håpe på.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments