Booliska: Reysulwasaare Solberg iyo ninkeedu, wali waa eedeysane-yaal.

0
133
Sawirka reysulwasaaraha Norway iyo ninkeeda oo fasax kujiro. Foto: Instgram-Erna Solberg

Booliska dalkan Norway ayaa wali wada baaritaanka kiis ka dhan reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg iyo ninkeeda Sindre Finnes. Waxeyna ku eedeysanyihiin inay jabiyeen xeerarka xakameynta faafitaanka feyruska Corona, xili ay reysulwasaaruhu u dagaaldageysay sanad-guurada dhalashada, ayna kujirtay fasax.

Reysulwasaare Solberg ayaa ku eedeysan in iyada iyo xubno kamid ah qoyskeeda ay isugu imaadeen goob maqaaxi ah oo ay casho ku cunayeen, iyaga oo tirada ahaan ka badan tirada dadka ugu badan ee dowladu ogoleyd inay hal goob isugu imaan karaan. Halkan kasii akhri.

Booliska ayaa sheegay in baaritaanka kiiska ka dhanka ah reysulwasaaruhu uu socdo, ayna Erna Solberg booliska xagooda ka diiwaan-gashantahay eedeysane, ilaa baaritaanka kiisku uu dhamaanayo, xeer ilaalintuna ay go´aan gaari doono.

Xigasho/kilde: POLITIET: SOLBERG OG FINNES HAR FREMDELES STATUS SOM MISTENKTE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments