Booliska: Qof macaamiil ah oo dukaan lagu xiray , ayuu nala soo xiriirtay.

0
149

Booliska magaalada Lillestrøm ee dalkan Norway ayaa sheegay inay xiriir lasoo sameysay haweenay lagu dhex ilaaway dukaan ay ka adaaganeysay, uuna ninkii dukaanka masuulka ka ahaa ku xiray markii la gaaray saacada xiritaanka, isaga oo aaminsanaa in qofka uusan dukaanka ku harin.

Booliska ayaa bartooda Twitterka kusoo qoray in haweeneyda dukaanka lagu ilaaway ay telefonka kula soo xiriirtay booliska, iyada ay ka codsaday inay kasoo bixiyaan dukaanka ay maxbuuska ku noqotay. Waxeyna boolisku sheegeen inay la xiriireen qofka masuulka ka ahaa dukaanka, kaas oo qof dukaanka furay soo diray, si haweeneydaas looga soo bixiyo.

Masuulka dukaanka ayaa sheegay in markuu dukaanka xirayay uu sida caadiga ah dhaqay gudaha dukaanka, kadibna uu hubiyay in qofna uusan ku harin qeybta adeega ee dukaanka, ugu danbeyna uu xiray. Uusana arkin qof macaamiil ah oo dukaanka ku haray.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments