Xog: Maxkamad cusub: Kiiskii khilaafka masaajidka Tawfiiq oo markale soo cusboonaaday.

0
240
Foto: Regjeringen.no

Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Oslo ayaa qabatay dacwada kiis cusub oo ku saabsan khilaafka maamulka masaajidka Tawfiiq oo u dhaxeeyo labo guruub oo soomaali ah. Waxaan arrintaas ka xaqiiqsanay documentiyada uu maxkamada u gudbiyay qareenka mid kamid ah labada guruub ee isku heysto maamulka masaajidka, kuwaas oo ah guruubka dacwada maxkamada u gudbiyay.

Kiiska khilaafka Tawfiiq ayaa ah mid soo jiitamayay sadexdii sano ee ugu danbeeyay, balse wuxuu qaboobay kadib markii xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo uu ansiyay gudinimada mid kamid ah labada guruub ee is heystay, sidoo kalena masaajidka loo soo daayay dhaqaalihii laga xayiriyay oo gaarayay 16 milyan oo kr. Halkan kasii akhri warkii aan arintaas ka qornay.

Wareysi ay NorSom News la yeelatay labada Guruub ee masaajidka isku heysto kadib go´aanka gobolka, ayuu Maxamuud Cabdi Jaamac oo ah afhayeenka guruubka uu khilaafka kala dhaxeeyo gudiga masaajidka ku qoran noogu sheegay in laga yaabo inay guruubka uu matalayo uu maxkamada Oslo u gudbiyaan dacwad ka dhan gudiga masaajidka. Sh Ibraahim oo ah g udoomiyaha gudiga masaajidka ayaa dhanka kale maalintaas noo sheegay in labada guruub aysan jirin guruub guuleystay, uu guuleystay masaajidka, ilaaheyna uu ka badbaadiyay dhib ay soomaalidu gacantooda isugu geysteen(Hoos ka daawo muuqaalka wareysiga).

Waxaana sida ku cad documtiyada ay NorSom News heshay hada maxkamada dacwad u gudbiyay garabka uu afhayeenka u yahay Maxamuud oo dacwad ka gudbiyay gudiga waqafka ee ku qoran dhismaha masaajidka iyo gudiga kale ee maamulka. Waxyaabaha ay garabkan dalbanayaan, ayaa sida ku xusan dacwad uu qareenkooda gudbiyay, ayaa waxaa kamid ah in maxkamada la keeno cadeynta dhaq-dhaqaaqa lacageed ee koontooyinka gudiga maamulka masaajidka iyo gudia waqafka mudadii 13-ka sano aheyd ee u dhaxeysay 2007 ilaa 2020.

Sida ay NorSom News xaqiiqsatay, waxaa guuldareystay dhex-dhexaadin ay wadeen odoyaasha magaalada Oslo qaarkood, kuwaas oo looga dan lahaa in kiiska khilaafka masaajidka ee dhanka maamulka ay soomaalidu dhexdooda dhameeyaan, kadib labo sano oo masaajidku uu kujiray khilaaf jiitamayay oo dhanka maamulka masaajidka ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments