(UDI) Haweenay soomaali ah: Fal Argagaxiso ayaa loo xukumay: Hadana sababtan darteed Norway lagama tarxiili karo

0
147
Sawirka haweeneyda la xukumay. FOTO: ØSTERRIKSK POLITI

Hey´adda qoxootiga dowlada Norway u qaabilsan ee UDI-da ayaa sheegtay in haweenay 30-meeyo jir soomaali ah oo loo xukumay ka kamid noqoshada ururkii burburay ee Daacish, aan loo tarxiili karin Soomaaliya sababo amnigeeda la xiriira.

Maxkamada Oslo ayaa sanadkii 2019 haweeneydan ku xukuntay labo(2) sano iyo sagaal(9) bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inay rabtay inay ku biirto ururka daacish, dhaqaala ahaana ay taageeri jirtay ururkaas. Xeer ilaalinta ayaa haweeneydan ku eedeeysay inay rabtay inay u safarto Siiriya si ay u guursato, jihaadka ururka Daacishna ay iskula biiraan nin Soomaali ah oo ka tagay dalka UK. Halkan ka akhri warkii aan horey uga qornay arrintan.

Haweeneydan Norway timid sanadkii 2013, waxeyna magangalyo ka heshay Norway iyada oo la dajiyay Nordfjord ee gobolka Sogn og Fjordane. Sanadkii 2017, 4 sano kadib markii ay Norway soo gashay ayaa laga soo qabtay dalka Talyaaniga, waxeyna hey´addaha sirdoonka dalalka Talyaaniga iyo Norway ay sheegeen inay kusii socotay dalka Siiriya, waxaana lagu qabtay baasaboor faaliso ah iyo lacag 50.000 kr.

UDI-da: oo Sharciga magangalyada ka celisay: Lama tarxiili karo.

Hey´adda sirdoonka dalkan Norway iyo booliska ayaa isku raacay in haweeneydan ay khatar ku tahay amniga Norway. Hey´adda qoxootiga ayaana markii ay xabsiga dhameysatay sharcigii magangalyada ka celiyay hooyadan soomaalida ah, waxaana la dhigay xabsiga tarxiilka ee Trandum. UDI-da ayaa xiligaas aaminsaneyd in haweeneydan dalkeedii hooyo ee Soomaaliya lagu celin karo. Halkan kasii akhri warkii aan ka qornay.

UDI-da ayaa ku dhawaad sanad kadib go´aankeedii hore hada sheegtay in haweeneydan aan lagu celin karo dalkeedii hooyo, maadaama uu khatar gali karo amnigeeda shaqsiyeed, sida uu qabo xeerka caalamiga ah ee qoxootiga.

UDI-da ayaa sida uu qoray NRK isku dayay in haweeneydan loo raadiyo dal kale oo loo tarxiilo, ayna isku dayeen inay u tarxiilaan Sucuudiga oo qeybo kamid ah qoyskeeda ay kunoolyihiin.

Hey´addaha sirdoonka iyo amniga ayaa wali aaminsan in haweeneydan ay khatar ku tahay amniga Norway. Balse hey´addaha qoxootiga ayaa aaminsan in dalkeedii hooyo aan lagu celin karin, inkasta oo sharcigii qoxootiga ay ka celiyeen.

Haweeneydan soomaalida ah ayaa dhankeeda sheegtay ineysan khatar ku aheyn cidna, ayna rabto inay noolaato nolol caadi ah.

Xigasho/kilde: Terrordømt IS-kvinne satt fri – kan ikke sendes ut av Norge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments