Solberg oo lagu heysto boos shaqo oo ay siisay mid kamid ah wasiiradeeda: Su´aalo weydiin furan

1
79
Frank Bakke: Wasiirka difaaca Norway ee lagu heysto reysulwasaaraha booska shaqo ee la siiyay

Gudiga baaritaanka iyo dabagalka u qaabilsan baarlamaanka Norway, ayaa wareysi ugu yeeray reysulwasaaraha Norway Erna Soberg iyo wasiirka ganacsiga Iselin Nybø, si su´aalo looga weydiiyo qaabka ay ku dhacday shaqaaleysiinta wasiirka gaashaansiga Norway, Frank Bakke-Jensen oo loo magacaabay agaasimaha hey´adda kaluumeysiga.

Madaxa gudiga dabagalka baarlamaanka Dag Terje Anderse ayaa sheegay inay go´aansadeen inay kursiga su´aalo weydiinta baarlamaanka ugu yeeraan Reysulwasaaraha iyo Wasiirka ganacsiga, si wax looga weydiiyo su´aalo badan oo la iska weydiinayo habka loo maray shaqo siinta wasiirka difaaca Norway, oo isaga oo wali haya xilka wasiirnimo loo sii magacaabay agaasimaha hey´addaha kaluumeysiga. Shaqadaas oo uu ku wareegi doono marka uu dhameysto mudo xileedkiisa wasiirnimo.

Dag Terje Andersen oo katirsan xisbiga Ap ayaa sheegay in gudigu uu rabo inuu sal iyo baar ogaado hanaanka loo maray shaqo siintaas oo dhalisay muran badan. Wuxuuna sheegay in mabda´ ahaan ay tahay arrin shaki abuuri karto hadi wasiir xil hayo, ay saaxiibadiisa kale ee golaha wasiiradda ay u magacaabaan boos shaqo.

Reysulwasaare Solberg ayaa dhankeeda iska fogeysay eedaas, waxeyna sheegtay in shaqo siintaas loo maray qaab daah-furan oo sharciga waafaqsan.

Solberg ayaa horey sidan oo kale loogu qabsaday boosas shaqo oo ay u magacowday labo kamid ah golaheeda wasiiradda. Sanadkii 2014 wasiiraddi kaluumeysiga xiligaas Elisabeth Vik Aspaker ayay golaha wasiiraddu u magacaabeen gudoomiyaha gobolka Troms, halka sanadkii 2018 wasiirka caafimaadka ee xiligan Bent Høie loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Rogaland.

Xigasho/kilde: MÅ STILLE I ÅPEN HØRING.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Mahamed
Mahamed
3 years ago

Aniga waxay ila tahay waa hormar iyo lagaray iyo daahfurnaan shaqo waana wax kudayasho mudan. Waana sharci fiican in wasiir noqdo agaasime hay.ada.
AMA gudomiye gobol.
Jeg ser statminister ane solberg go vidare
dette er bra job.