Oslo: Booliska oo shaley galay labo(2) maqaaxi oo soomaali ay leedahay.

1
134

Sida ay bartooda Twitterka kusoo qoreen booliska magaalada Oslo, waxaa xalay fiidkii hore ay boolisku galeen sadex(3) maqaaxi oo kuwa shaaha ah(Kaffe), kuwaas oo ku kuyaal xaafada ay ajaaniibtu ku badantahay ee Grønland. Labo(2) kamid ah sadexda maqaaxiyood oo ay boolisku galeen, ayaa ah maqaaxiyo ay soomaali leedahay.

Booliska ayaa sheegay in maqaaxiyahaas galeen ay ugu tageen dad aad u badan oo qaab sharci daro ah halkaas isugu imaaday, iyaga oo ku daawanayay ciyaaro kubadda cagta ah, qaarkoodna ay ciyaarayeen Turub xili magaalada ay kujirto xaalad halis ah oo faafitaanka Corona la xiriirta. Waxeyna kala kaxeeyeen dadkii goobahaas ku sugnaa, iyaga oo dhanka kalena amray in la xiro maqaaxiyahaas.

Booliska ayaa sheegay in labo kamid ah maqaaxiyaha ay galeen ay ku wada yaalaan isku hal meel(goob), Waxeyna isku dar labadaas maqaaxi ugu tageen dad kor u dhaafayo 80 qof. Wargeyska Avisa Oslo ayaa qoray in labadaas maqaaxi ay kala leeyihiin Soomaali iyo Kurdi. Maqaaxida sadexaad ee boolisku galeen oo ah mid ay soomaali leedahay, ayaa waxaa loogu tagay dad gaaraya 15 qof.

Galitaanka maqaaxiyahan oo warbaahintu ay aad u hadalheyso, ayaa kusoo aaday xili uu shaley shir jaraa´id qabtay gudoomiyaha maamulka dowlada hoose ee Oslo, isaga oo sheegay in xaalada faafitaanka feyruska Corona ee magaalada Oslo uu faraha kasii bixi raba, wuxuuna dadka Oslo ka codsaday inay dowlada hoose arrintaas gacan ka siiyaa. Sidoo kale waxaa shaley laso rogay talaabootin hore leh oo loogu talagalay xakameynta faafitaanka Corona. Halkan ka akhri talaabooyinka cusub ee shaley lasoo rogay.

20.000 oo ganaax ah:

Booliska ayaa sheegay in dadkii ay shaley ugu tageen, aysan siin wax ganaax ah, balse masuuliyiinta goobahaas ayaa muteysan karo ganaax lacageed oo gaaraya 20.000 kr.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Booliska Oslo, ay galaan maqaaxiyo ay soomaali leedahay. Tan iyo bilowgii faafitaanka Corona, waxaa dhowr mar la xiray maqaaxiyo ay soomaali iyo ajaaniib kale leeyihiin oo kuyaal xaafada Grønland.

Xigasho/kilde: Politiet slo til mot tre klubber med ulovlige folkeansamlinger på Grønland.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Abuubakar xasan jimcaale
Abuubakar xasan jimcaale
3 years ago

Abuubakar Hasan Jimcaale