Norway oo qoraal adag oo hadal heyn dhaliyay ku cabirtay mowqifkeeda xaalada Soomaaliya.

0
160
Madaxweyne Farmaajo iyo wasiir N. Astrup Foto: NorwayinSomalia

Safaarada Norway ee Soomaaliya ayaa maanta bogga ay ku leedahay barta Twitterka kusoo qortay qoraal baraha bulshada soomaalida ka abuuray hadal-heyn badan. Norway oo adeegsaneyso ereyo adag oo aan looga baran ku sheegtay inay ka dal saaxiib la ah Soomaaliya ahaan aad uga xuntahay xaaladda ismari waaga ah ee ka taagan xal u helista doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.

Norway ayaa madaxda dowladaha federaalka ah iyo kuwa gobolada ugu baaqday inay sameeyeen awood isku wareejin dhaqso ah, ayna ka wada shaqeeyaan arrintaas. Hadalka ku saabsan in Norway ay baaqeyso in awooda si fudud la isugu wareejiyo, ayaa baraha bulshada soomaalida ka abuuray doodo iyo hadalheyn badan.

Hadalka Norway ayaa waxaa kasii horeeyay qoraal isugu jiro hanjabaad iyo dhiirigalin oo kasoo baxay midowga Yurub ee EU-da.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments