Norway oo markii ugu horeysay sheegtay inay dowlada Soomaaliya ay tarxiilka kala shaqeeyaan.

0
228
Sawirka: Shaqaale katirsan hey´adda socdaalka Soomaaliya oo tababar ay siinayaan saraakiil katirsan UDI-da Norway.

Håvard Bekk oo ah madaxa laanta booliska Norway u qaabilsan tarxiilka qoxootiga heysta diidmada magangalyada(PU), ayaa wareysi uu siinayay Tv-ga qaranka Norway ee NRK ku sheegay in wada-shaqeyn dhanka tarxiilka ah ay ka dhaxeyso dowladaha Norway iyo Soomaaliya.

Håvård oo ka hadlayay kiis haweenay soomaali ah oo argagaxiso loo xukumay, sirdoonka Norwayna ay codsadeen in wadanka laga bixiyo(Halkan kasii akhri), ayaa sheegay in wadashaqeyn fiican oo fududeynta iyo fulinta tarxiilka muwaadiinta soomaalida ee Norway ka hela diidmada codsiyada magangalyada, ay kala dhaxeyso dowlada Soomaaliya.

Laanta booliska Norway u qaabilsan ayaa TV-ga NRK u sheegay in sanadkii 2019 ay Soomaaliya u tarxiileen 53 qof, halka sanadkii tagay ee 2020 ay Soomaaliya u tarxiileen 11 qof. Sidoo kale bishii January ee sanadkan 2021 inay Soomaaliya tarxiileen 4 qof.

Sheegashada Håvård ayaa noqoneyso markii ugu horeysay oo qof katirsan hey´addaha dowliga ah ee Norway uu qiro in wada-shaqeyn toos ah oo ku saabsan arrimaha tarxiilka uu ka dhaxeeyo dowladaha Norway iyo Soomaaliya. Waxeyna arrinta cadeyneysaa tuhun ay qabeen soomaalida Norway oo ku saabsanaa in dowlada Soomaaliya ay Norway la fududeyso arrimaha tarxiilka muwaadiniinta Soomaalida ee diidmada ka hela Norway.

Heyá adda qoxootiga Norway ee UDI-da iyo Hey´adda socdaalka ee Soomaaliya ayaa marar badan oo su´aalahaas la weydiiyay sheegay inaysan jirin wax wada shaqeyn oo ka dhaxeeyo labada hey´adood.

Norway ayaa taageero tababar iyo qalabeyn u fidisay hey´adda socdaalka ee Soomaaliya, waxaana dalkan Norway marar badan lagu casuumay wufuud ka tirsan hey´addaha socdaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Norway siisay tababaro ku saabsan arrimaha socdaalka. Sidoo kale Norway ayaa dowlada Soomaaliya ku taageertay qalab shaqo oo ay hey´adda socdaalka Soomaaliya ku shaqo-gasho.

Xigasho/kilde: PU: – Har et godt samarbeid med somaliske myndigheter.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments