Maxkamada Oslo oo 6 sano oo xabsi ah ku xukuntay 23 -jir soomaali ah.

0
93
Holmalia senter: Goobta uu falka ka dhacay Foto: Google Maps

Maxkamada Oslo ayaa shaley oo Isniin aheyd 6 sano iyo bar xabsi ah ku xukuntay 23 sano jir soomaali ah, kaas oo lagu helay danbi ah isku dey dil oo uu u geystay wiil kale oo soomaali ah. Falkan ayaa bishii April ee sanadkii 2018 ka dhacay xaafada Holmalia ee magaalada Oslo. Halkan ka akhri warkii aan ka qornay maalintii uu falkaas dhacay.

Xeer ilaalinta dacwada kusoo oogtay wiilka 23-jirka ah ayaa sheegay in falka isku deyga dilka ah uu xiriir la leeyahay koox gaangi ah oo ka howlgasha magaalada Oslo. Maxkamada ayaa dhanka kale xukun 10 bilood ah ku riday nin 26 sano jir kale oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa falkaas.

Dacwada xeer ilaalinta, waxaa lagu sheegay in ninka 10-ka bilood lagu xukumay oo kamid ah madaxda kooxda gaangiga ah uu codsaday in shaqo laga qabto wiilka soomaaliga ah ee la dhaawacay. Waxaana amarkaas qaatay oo maalin cad bartahama suuqa Holmalia Senter wiilka soomaaliga ah ku dhaawacay, 23-jirka ay maxkamadu lixda sano ku xukuntay.

Waxaa xusid mudan in labada wiil ee soomaalida ah ee is dhaawacday, ay ahaayeen dad is yaqaan oo yaraantoodi is yaqaanay, sida lagu sheegay dacwada xeer ilaalinta Oslo.

Labada eedeynsahe ee maxkamadu ay xukunteyba, waxey iska fogeeyeen danbiga lagu eedeeyay.

Xigasho/kilde: Dømt til seks og et halvt års fengsel for drapsforsøk ved Holmlia senter.

Tiltalt for drapsforsøk ved Holmlia senter. Young Bloods-tilknyttet skal ha bestilt angrepet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments