Labo qof oo kale oo xinjirow u dhintay, kadib qaadashada talaalka Corona.

0
50
Steinar Madsen: Madaxa hey´adda daawooyina Foto: Anita Andersen, DSB

Hey´adda qaabilsan daawooyinka dalkan Norway, ayaa shaley xaqiijisay in labo qof oo kale ay u dhinteen dhiig-xinjirow, kadib markii ay qaateen talaalka Corona, noociisa AstraZeneca. Labadan qof ee geeriyooday ayaa ahaa howl-wadeeno caafimaad oo da´doodu ay ka hooseyso 55 sano, isbitaalka la dhigay isbuucii ugu danbeeyay.

Geerida labada qof ayaa tirada dadka geeriyooday, kadib markii ay talaalka AstraZeneca qaateen ka dhigeysa 4 qof oo dhamaantood ahaa howlwadeeno caafimaad oo dhalinyaro ah.

Hey´adda daawooyinka Norway ayaa sheegtay in ilaa hada aan la heynin cadeymo cad oo muujinaya xiriirka ka dhaxeeyo geerida dadkan iyo qaadashada ay qaateen talaalka Corona. Sidoo kale in dhiig-xinjirowgu uu talaalka Corona sabab u yahay iyo in kale. Saas oo tahay hey´adda daawooyinka, ayaan hadana beenin karin in talaalku uu sababay dhiig-xinjirowga ay u geeriyoodeen dadka dhintay.

Dowlada Norway ayaa hakisay talaalka AstraZeneca ilaa inta laga soo baarayo saameyntiisa, kadib markii la diiwaangaliyay tobanaan qof oo isku arkay dhiig-xinjirow kadib qaadashada talaalkan.

Hey´adda daawooyinka Norway iyo Hey´adda daawooyinka Yurub ee EMA ayaa ka wada shaqeynaya baaritaanka iyo xaqiijinta talaalkan, waxaana lagu wadaa in isbuucan la helo natiijada hordhaca ah ee baaritaankooda.

Xigasho/kilde: Legemiddelverket melder om ytterligere to dødsfall blant pasienter med blodpropp på Oslo universitetssykehus etter å ha mottatt AstraZeneca-vaksinen..

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments