Isbitaalka Oslo oo sababtan darteed u shaqaaleysiiyay wadaad dhalinyaro soomaali ah

0
100
Abdifataah Mohamed Mahamud. Foto: Privat

Isbitaalka dowliga ah ee weyn ee Oslo (Oslo universitetssykehus) ayaa ayaa la taliye ahaan u shaqaaleysiiyay Cabdifataah Maxamed Maxamuud oo ah wadaad dhalinyaro soomaali ah. Waxaana loo shaqaaleysiiyay inuu diin ahaan la taliye u noqdo bukaanada muslimiinta ah ee lasoo dhigo isbitaalka.

Isbitaalada Norway ayaa caadi ahaan leh wadaad xaga diinta masiixiyada ah, kaas oo loogu talagalay inuu wehel iyo la taliye diineed u noqdo bukaanada isbitaalka jiifa, gaar ahaan kuwa ay xaaladooda caafimaad liidato oo wel-wel xaga niyada ah uu soo wajaho.

Isbitaalada Norway ayaa sanadihii ugu danbeeyay bilaabay inay sidaas oo kale shaqaaleysiiyaan dad aqoon u leh diimaha kale oo la taliye u noqdo bukaanada heysta diimaha aan Masiixiyada aheyn. Waxaana Cabdifitaax loo shaqaaleysiiyay inuu booska imaamka oo kale u buuxiyo bukaanada muslimiinta ee lasoo dhigo isbitaalka weyn ee Oslo.

Ingrid Vassli Flateby oo la taliye katirsan maamulka isbitaalka, ayaa sheegay in wadaadkan dhalinyarada soomaaliga ah laga soo dhex doortay 49 qof oo shaqadaas dooratay. Uuna yahay qof aqoon diineed iyo awood luuqadeed u leh inuu qabto booska shaqo ee loo shaqaaleysiiyay.

Xigasho/kilde: Abdifataah (30) blir muslimsk samtalepartner i ny stilling ved Oslo universitetssykehus.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments