Haugesund: Taksiile soomaali ah oo xabsiga loogu hayo, cabsi laga qabo inuu Soomaaliya u baxsado.

0
95
Foto: Regjeringen.no

Maxkamada racfaanka ee gobolka Rogaland ee dalkan Norway, ayaa afar sano oo xabsi ah ku xukuntay nin soomaali taksiile ah, kaas oo lagu helay danbi la xiriira isku dey kufsi oo lagu eedeeyay inuu u geystay qof dumar ah oo baabuurkiisa soo raacday.

Waxaa xukunka maxkamada racfaanka ka horeeyay xukun ay ninkan ku riday maxkamada hoose ee magaalada Haugesund oo ninkan ku xukun 3 sano iyo bar xabsi ah, isaga oo ku eedeysan isla danbigaas. Halkan kasii akhri.

Taksiilaha la xukumay ayaa iska fogeeyay danbiga lagu eedeeyay, isaga oo sheegay in sheegashada eeda ah ee haweeneyda ay tahay mid aysan waxbo ka jirin, wuxuuna sabab uga dhigay inay jiri karto isfahan daro xaga luuqada ah, ama inay rabto inay dhibaateyso maadaama uu Afrikaan yahay ama inay tahay qof raadineyso magdhow dhaqaale.

Balse garsoorka maxkamada ayaa rumeysay sharaxaada ay bixisay haweeneyda, waxeyna sheegeen inay u badantahay inay iyadu run sheegso. Isla ninkan soomaaliga ah ayaa sanadkii 2019 loo xukumay fal la xiriira arrintan oo kale.

Booliska: Waxaan ka cabsi qabnaa inuu Soomaaliya u baxsado.

Kadib markii ay maxkamada racfaanka xukuntay ninkan soomaaliga ah, wuxuu ka qaatay racfaan, isaga oo kiiskiisa racfaanka ah u gudbiyay maxkamada sarre ee dalkan Norway. Maadaama ninkan uu racfaan qaatay, xukunkaasna uu wali dhaqan-galin, waxey aheyd inuusan xabsi galin, uuna noloshiisa caadiga ah sii wato ilaa kiiskiisa racfaanka ay maxkamada sarre go´aan ka gaareyso.

Balse booliska ayaa xabsiga dhigay taksiilahan soomaaliga ah, iyaga oo sheegay iney ka cabsi qabaan inuu wadanka ka baxsado, uuna u cararo dalkiisa hooyo ee Soomaaliya. Waxeyna go´aankooda ku saleeyeen in markii hore ee maxkamada Haugesund ay ninkan xukuntay, uu u baxsaday wadanka dibadiisa, booliska Norweyna ay laamaha kale ee booliska caalamka ka codsadeen in loo soo gacan-galiyo.

Kadib markii uu Norway kusoo noqday, booliska ayaa si kumeel gaar ah xabsiga usii dhigay inta kiiskiisa ay maxkamadu go´aan ka gaareyso. Waxeyna hada boolisku sheegeen inay rabaan inay taksiilahaas soomaaliga ah xabsiga kusii hayaan, ilaa ay xukunkiisa go´aan ka gaareyso maxkamada sarre ee uu racfaanka u gudbiyay.

Xigasho/kilde: Politiet frykter at en drosjesjåfør dømt for voldtekt i Haugesund skal rømme hjem til Somalia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments