Booliska oo baaritaan ku sameyn doono reysulwasaaraha Norway oo sharci-jabin ku eedeysan

0
129
Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg. Foto: Eirin Larsen, SMK

TV-ga qarankan Norway ayaa shaley fashiliyay in reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ay jabisay mid kamid ah sharciyada xakameynta feyruska Corona oo ay dowlada ay Solberg hogaamiso soo rogtay. Solberg iyo xubno kamid ah qoyskeeda ayaa goob maqaaxi ah isugu yimid kulan casho ah, iyaga oo tiro ahaan ka badan tirada dadka ay dowladu dajisay inay ugu badnaan kulmi karaan.

Dowlada Solberg ayaa maalmo kahor inta uusan kulankaas dhicin soo saartay inay ugu badnaan kulmi karaan 10 qof, balse maalmo kadib ayaa iyada iyo qoyskeeda oo ka koobnaa 14 qof ay goob maqaaxi ah ku qabsadeen kulan loogu dabaal-dagayo xaflada dhalashada reysulwasaaraha oo 60 sano jirsatay. Halkan kasii akhri.

Solberg ayaa raaligalin ka bixisay ficilka ay sameysay, waxeyna sheegtay inaysan si fiican u akhrin shuruuda ay dowlada ay hogaamiso soo dajisay.

Booliska oo baaritaan ku furay reysulwasaaraha:

Saldhiga booliska koonfur-bari ee dalkan Norway ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay kiis baaritaan ah ku fureen reysulwasaaraha, iyaga oo soo baari doono in Erna Solberg ay jabisay sharciga iyo inkale. Sidoo kale ay uruurin doonaan xogta dhacdadaas, kahor inta aysan u gudbin xeer ilaalinta Norway oo markaas kadib go´aan ka gaari doono in reysulwasaaraha dacwad lagu soo oogo iyo inkale.

Reysulwasaaraha ayaa ilaa shaley dhowr mar ku celisay inay raali-galin bixineyso, ayna ka qooma-meyneyso ficilka ay sameysay. Waxeyna raacisay ineysan si fiican u akhrin, una fahmin xeerarka xakameynta Corona iyo qodobka ku saabsanaa tirada dadka ugu badan ee kulmi kara.

Xigasho/kilde: POLITIET IVERKSETTER ETTERFORSKNING PÅ SOLBERGS MULIGE SMITTEVERNSBRUDD.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments