30-meeyo qof oo ka baxsaday hotelka karantiilka ee la dajiyay.

0
164

Dad tiradooda lagu qiyaasay 30-meeyo qof ayaa ka baxsaday hotellka karantiilka ee la dajiyay, kadib markii ay kasoo noqdeen safar dibadda ah.

Dowlada Norway ayaa isbuucii hore soo rogtay in qof kasta oo kasoo noqdo safar dibadda ah oo aan muhiim(daruuri aheyn) la dajin doono hotellka karantiilka, kaas oo uu isagu lacagtiisa iska bixin doono. Waxaana qof kasta oo hotellkaas la dajiyo waajib ku ah inuu hotellkaas ku sugnaado ilaa 10 maalmood.

Gunnhild Grimstad-Kirikeby oo ah agaasimaha maamulka degmada Ullensaker ee ah deegaanka uu yaalo garoonka diyaaradaha ee Oslo, ayaa warbaahinta u xaqiijisay in dad u dhaxeeyo 20 ilaa 30 qof ay ka baxsadeen hotellka la dajiyay. Waxeyna raacisay in degmadu ay macluumaadka dadka baxsaday u gudbisay booliska oo dacwad kusoo oogi doono.

Gunnhild ayaa raacisay in maamulka degmadu aysan awood u laheyn inay celiyaan qofkii raba inuu kasoo baxo ama ka baxsado hotellka karantiilka ee la dajiyay.

Booliska ayaa horey u sheegay in qofkii kasoo baxa hotellka karantiilka lagu ganaaxi doono lacag gaareyso 20.000 kr.

Xigasho/kilde: Så mange som 30 personer kan ha rømt fra karantene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments