Tujaar malaayin kr ugu deeqay xisbiga Venstre

0
81
Wasiirka dhaqanka Norway: Abid Raja Foto: Ilja C. Hendel/Kulturdepartementet

Doorashada baarlamaanka ayaa bisha September ee sanadkan ka dhici doonto Norway, waxaana xili horeba bilaabatay saan-saanta u diyaargowga doorashadaas oo sanadkan siyaabo kala duwan uga badalan kuwii horey u dhici jiray.

Stein Erik Hagen iyo Christen Sveaas oo ah labo(2) tujaarta ugu hantia badan Norway ayaa min milyan kr oo hadiyad ah(isku dar 2 milyan) siiyay xisbiga Venstre oo kamid ah xisbiyada xiligan katirsan xukuumada reysulwasaare Erna Solberg.

Sidoo kale dhowr shirkadood oo kale ayaa lacago boqolaal kun oo kr gaaraya ugu deeqay Venstre. Abid Raja oo ah wasiirka dhaqanka dowlada Norway, ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga Venstre ayaa sheegay in xisbigiisa ay ilaa hada soo gaartay 3,5 milyan kr oo deeq ah.

Caado soo jireen ah:

Waxaa caado ka ah Norway in xiliyada doorashada ay tujaarta waaweyn ee hantida leh, ay lacago deeqo ah gaarsiiyaan xisbiyada ay aragti ahaan la dhacsanyihiin. Sidoo kale ururada shaqaalaha iyo ururada leh ee bulshada iyo shirkadaha qaarkood ayaa iyagana lacago hadiyado ah ugu deeqa xisbiyada, si ay ugu adeegsadaan ol-olaha doorashada.

Inkasta oo ay jiraan fikiro kala duwan oo dadku ay ka qabaan lacagaha loogu deeqo xisbiyada siyaasadda, hadana waa arrin aan sharci daro aheyn. Waxaana jiro dad aaminsan in lacagahaas xisbiyada la siiyo ay yihiin laaluush sharciyeysan oo shirkaduhu iyo Hantiileydu ay rabaan in xisbiyadaas aysan dhaqangalin siyaasaddo dhibaato u keeni karo ganacsigooda ama danahooda kale ee maaliyaad. Tusaale ahaan canshuurta oo la kordhiyo oo shirkadu badan ay u arkaan arrin aan munaasab aheyn.

Dhamaan lacagaha hadiyaha ah oo ay helaan xisbiyada siyaasada, ayaa waxaa laga diiwaangaliyaa, lagalana socdaa website at dowladu u sameysay( www.partifinansiering.no).

Abid Raja oo ah gudoomiyaha xisbiga Venstre, ayaa sheegay ineysan jirin wax balan-qaad ah oo xisbigoodu uu ku badashay lacagtaas deeqaha ah ee la siiyay.

Xigasho/kilde: Abid Raja: – Har samlet inn 3,5 millioner kroner i valgkampstøtte.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments