Tirokoob: 88% dadkii galay imtixaanka baasaboorka Norway, wey ku baasaan.

0
167
Nooca cusub ee baasaboorka Norway Foto: Politiet

Sida lagu sheegay tirokoob ay soo bandhigtay wasaaradda waxbarashada Norway, 8972 qof ayaa sanadkii hore ee 2020 gashay imtixaanka laga qaado dadka raba inay qaataan dhalashada Norway. 88% dadka galay imtixaankaas ay qaado dowladu, ayaa ku baasay(guuleystay) sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay wasaaraddu.


Dowlada Norway ayaa sanadkii 2018 dhaqangalisay shardi cusub oo laga rabo qofka raba inay qaato dhalashada Norway. Shardigaas oo ah in qofka laga qaado imtixaan digital ah oo soconayo 60 daqiiqo, kaas oo lagu ogaanayo aqoonta luuqadeed ama bulsho ee qofka baasaboorka Norway codsanayo.

Tirokoobka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Norway, ayaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2020 ay kor u kacday tirada dadka ku baasay imtixaanka baasaboorka Norway. Waxaana imtixaanka sanadkii 2020 ku baasay 88% dadka galay, halka sanadkii ka horeeyay ay ku baaseen 81%.

Imtixaanka baasaboorka ayaa qofka lagu weydiiyaa 32 su´aalood , wuxuuna qofku baasayaa(Guuleystaa), hadii ii saxo jawaabta ugu yaraan 24 su´aalood.

Xigasho/kilde: Langt fleire tok og bestod Statsborgarprøva i 2020.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments