Sarpsborg: Soomaali dil geystay oo maxkamada lasoo taagayo.

0
134
Foto: Regjeringen.no

Xeer ilaalinta magaalada Sarsborg ee gobolka Viken ee dalkan Norway, ayaa dhawaan dacwad kusoo oogi doono 32 sano jir soomaali ah oo bishii Luulyo ee sanadkii lasoo dhaafay mindi ku dilay haweenay 54 sano jir cadaan Norwiiji ah, sidoo kalena dhaawacyo u geystay labo dumar ah oo kale oo soomaali ah oo ay daris ahaayeen. Halkan kasii akhri warkii aan ka qornay habeenka uu dilka dhacay.

Xuseen Abuukar Xaaji Cabdulqaadir oo ah ninka dilka geystay, ayaa hada ku eedeysan, loona maxkamadeyn doonaa danbiyo la xiriira dilka qof iyo isku deyga dil ee labo(2) qof oo kale. Mid kamid ah labada qof ee dumarka ee uu dhaawacay ee soomaalida ah, ayaa dhaawaceeda ahaa mid daran, halka dhaawaca gabadha kalena uu ahaa mid fudud, sida ay boolisku sheegeen.

Ma xusuusto wixii aan sameeyay:

Marius Otterstad oo ah qareenka u doodayo ninkan ayaa warbaahinta u sheegay in 32-jirka soomaaliga ah uu qirsanyahay danbiyada lagu eedeynayo, balse uusan xusuusan inuu isagu shaqsi ahaan gacantiisa geystay. Wuxuuna qareenkiisu raaciyay in ilaa hada aan ninkan laga helin wax faah-faahin ah oo uu ka bixiyay qaabkii uu u dhacay falalka dilka iyo dhaawacyada ah ee uu geystay.

Booliska ayaa xili sii horeysay sheegay in ninkan uu horey usoo maray isbitaalada lagu daaweeyo dadka dhimir ahaanta u xanuunsan, ayna u socotay daaweyn dhanka maskaxda ah.

Halaga xukumo isbitaalada dhimirka:

Andreas Magne Alfoni Strand oo ah qareenka xeer ilaalinta ee kiiska kusoo oogay ninkan soomaaliga ah, ayaa sheegay inay muuqato in 32-jirkan uusan maskax ahaan aheyn qof loo xukumi karo danbiga uu geystay, sidaas darteed uu maxkamada ka codsan doono in ninkan lagu xukumo in lagu hayo isbitaalada lagu xanaaneeyo dadka maskax ahaanta u xanuunsan ee geysta danbiyada halista ah.

Maxkamadeynta ninkan ayaa Afarta(4) bisha Mai ka bilaaban doono maxkamada Sarpsborg.

Xigasho/kilde: Mann (32) tiltalt etter knivdramaet i Sarpsborg.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments