Reysulwasaare Solberg oo 60 sano cagaha ka jartay: Wax badan ayaa wali qabyo iga ah.

0
80
Foto: Statsministerkontoret

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa maalintii shaley aheyd buuxisay da´da 60-ka sano. Iyada oo warbaahinta u sheegtay ineysan da´du wax culeys ah ku heyn, ayna wali jiraan waxyaabo qabyo ka ah mashruuceeda siyaasadeed, ayna sanadkan mar kale u sharaxantahay inay Norway hogaamiso 4 sano oo cusub.

Erna Solberg oo 7 sano iyo barkii ugu danbeeyay Norway ka aheyd reysulwasaare, ayaa inta ay xilka heysay waxey la kulantay labo caqabadood oo waaweyn oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo dhaqaalaha Norway, kuwaas oo kala ah qiimo-dhacii sicirka saliida madow (shidaalka) oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Norway, iyo dhibaatada feyruska Corona ee aan wali dhexda kaga jirno. Waxeyna dad badan aaminsanyihiin in labada caqabadood ay ilaa xad si wanaagsan u maareysay.

Da´da kama fakarayo wali:

Solberg oo wareysi siisay warbaahinta ayaa sheegtay in xanibaada feyruska Corona dartiis aysan suurtogal aheyn inay sameysato xaflad dhalasho oo weyn, iyada oo sii raacisay in iyada iyo ninkeeda Sindre Finnes oo 56 sano jir ah ay dhamaadka bishan leeyihiin sanadguurada arooskooda. Waxeyna raacisay in labada xafladoodba ay rajeynayaan inay qabsadaan xiliga xagaaga(sommerka), hadii xaalada Feyruska Corona ay isbadasho.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in saaxiibadeeed qaarkood marka ay 60 sano gaaraan ay bilaabaan inay ka hadlaan howlgab(Pensjon) iyo nolosha waayeelnimada, balse ayadu aysan arrintaas ku fakareyn. Waxeyna raacisay in mudadii ay reysulwasaaraha aheyd ay u qabsoomeen waxyaabo badan, halka wali ay qabyo u yihiin waxyaabo kale oo ka dhiman mashruuceeda siyaasadeed ee hogaaminta Norway iyo xisbigeeda Høyre.

Erna Solberg ayaa sanadkan mar kale u sharaxan jagada reysulwasaaraha Norway, waxeyna hadii ay ku guuleysato xilkaas noqon doontaa mid kamid ah reysulwasaarayaashii ugu waqtiga dheeraa Norway.

Xigasho/kilde: Erna 60 år:På høyden

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments