Oslo oo maanta xanibaad adag oo cusub lagu soo rogi doono.

0
194
Reymond Johansen: Gudoomiyaha dowlada hoose ee Oslo Foto: Skjermdump

Maamulka dowlada hoose ee magaalada Oslo, ayaa galinka danbe ee maanta oo Axad ah soo bandhigi doono talaabooyin cusub oo lagu soo rogi doono magaalada, kadib markii maalmihii ugu danbeeyay ay kor u kacday tirada dadka laga helayo feyruska covid-19.

Nooca cusub ee Feyruska Corona ee ingiriiska ka bilowday, ayaa maalmihii ugu danbeeyay faro ba´an ku hayay magaalada Oslo. Mgaalada Oslo ayaana xiligan ah meesha ay kunool yihiin dadka ugu badan ee laga helay feyruska covid-19.

Maamulka dowlada hoose ee Oslo ayaan sheegin nooca talaabooyinka ay kusoo rogi doonaa magaalada, balse waxey sheegeen inay ku qasbanyihiin inay adkeeyaan xeerarka xakameynta faafitaanka xanuunka covid-19.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, dowlada Hoose ee magaalada ayaa qiimeyneyso waxyaabo ay kamid yihiin: In la xiro dukaamada lagu iibiyo waxyaabaha aan daruuriga aheyn, in sharciyo adag lagu soo rogo iskuulada sarre iyo kuwa dhexe, iyo in la xiro iskuulada caruurta iyo xarumaha xanaanada(Hadii ay xaaladu faraha ka baxdo). Maamulka degmada ayaa sidoo kale qiimeynayo in albaabada loo laabo goobaha cuntooyinka iyo maqaaxiyaha.

Hey´addaha caafimaadka Norway ayaa ka digayo in mawjad sadexaad oo feyruska Corona ah, ay Norway dib uga curan karto.

Xigasho/kile; Oslo-folk frykter ny nedstengning. Her er listen over aktuelle tiltak..

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments