Oslo: Kaarka degenaanshaha oo 4 bilood la sugo

0
190
Foto: Illustrasjonsfoto: UDI

Sida uu maanta qoray wargeyska Dagdsavisen, dadka heysta sharciyada kumeel gaarka ah iyo kan degenaanshaha Norway, balse uu ka dhacay kaarka sharciga (Oppholdskort), ayaa afar bilood suga inay booliska Oslo ka helaan balan ay ku cusbooneysiistaan kaarka sharciga. Arrintan ayaa loo sababeynayaa xaaladda ka abuurantay feyruska safmarka ah ee covid-19


Dad badan ayaa arrintan ka muujiyay cabasho, maadaama kaarka sharciga kumeel gaarka ah(Oppholdkort) ama kan degenaanshaha(Permanent oppholdkort) uu yahay cadeynta kali ah ee muujin karta in qofku uu sifo sharci ah ku joogo Norway. Waxaana jiro dad badan oo goobaha shaqada ama waxbarashada laga codsaday inay keenaan cadeyn muujineyso inay Norway sifo sharci ah ku joogaan.

Sidoo kale qofka sharciga ku leh Norway ee raba inuu ku dhex safro dalalka Yurub, ayaa waxaa waajib ku ah inuu wata kaarkaas, si uu uga gudbo xuduudaha dalalka Yurub(Hadii baaritaan uu la kulmo).

Ururka NOAS ee u dooda xuquuqda dadka magangalyo doonka ah ayaa arrintan canbaareeyay, waxeyna sheegeen in boolisku uusan ahmiyad gaar ah siin dadka oo xiliga dheer oo ay sugayaan balanta booliska, ay la kulmaan caqabado dhanka shaqada, caafimaadka ama safarka ah.

Booliska ayaa dhankooda ku doodaya in Corona dartii ay yaraatay awooda shaqo ee booliska, ayna yaraadeen tirada shaqaalaha booliska ee ka shaqeyn kara xafiisyada booliska.

Xigasho/kilde: Må vente tre ganger lengre på nødvendig oppholdskort.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments