Kristiansand: Askarigii wiilka soomaaliga ah ceejiyay oo xabsi lagu xukumay.

0
83
Sawirka muuqaalka wareysiga Qadar Abdi iyo Askariga. Foto: Booliska

Askari katirsanaa booliska magaalada Kristiansand, ayaa lagu xukumay 24 maalmood oo xabsi shuruudeysan ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu si waajibkiisa shaqo ka baxsan ula dhaqmay wiil soomaali ah oo uu xabsiga dhexdiisa ku wareysanayay.


Wiilka uu askarigan wareysanayay oo lagu magacaabo Qadar Osman Abdi, ayaa ku eedeysnaa kiis la xiriira daroogo oo markii danbe loogu xukumay 10 sano ah oo xabsi ah.

Qadar oo ku sugnaa xarunta booliska ayuu sarkaalka booliska ah ee wareysanayay weydiistay inuu dhiibo waraaq uu ku qornaayeen passwordka-ka iyo magaca lagu galo koonto snapchat-ka ah.

Sida uu qoray TV2, Qadar ayaa markii hore ogolaaday inuu dhiibo password-ka, balse markii danbe ayuu isbadalay, wuxuuna isku- laalaabay warqadii ay ku qornaayeen passwodka, waxaana markaas weerar lama filaan ah kusoo qaaday mid kamid ah askartii wareysaneysay.

Sida lagu arkayo muuqaalka kaamirada ee qolka wareysiga booliska, askariga ayaa halmar kusoo booday Qadar, wuxuuna ku bilaabay ceejis, isaga isku dayayo inuu dhulka dhigo, si ay warqada uga qaadaan. Hoos ka daawo muuqaalka. Qadar oo wareysi siiyay TV2 ayaa sheegay inuu mudo 12 ilbiriqsi ah uu neefsan waayay, ceejiska uu ninkan askariga ee xoogan darteed.

Xukunka: 24 maalmood oo xabsi ah iyo magdhow 20.000 kr

Garsoorayaasha Maxkamada ayaa sheegay in askarigu uu adeegsaday awood aan loo baaheyn, sidaas darteed uu sameeyay wax ka baxsan waajibka shaqadiisa. Waxaana askariga dhibaatada geystay lagu xukumay 24 maalmood oo xabsi shuruudeysan ah iyo 20.000 kr oo magdhow ah.

Xigasho/kilde: Politimann dømt etter angrep i avhør.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments