Isaga oo Corona laga helay ayuu Buss raacay: xabsiga ayaa la dhigay: Maxkamad suge.

0
214

Booliska magaalada Trondheim ee dalkan Norway ayaa xabsiga dhigay nin 50-meeyo jir ah, kaas oo ku eedeysan inuu jabiyay xeerarka xakameynta faafitaanka feyruska Corona. Ninkan ayaa laga helay caabuqa covid-19, waxaana lagu wargaliyay inuu gurigiisa isku soo xiri(Isolasjon), balse banaanka ayaa lagu arkay dhowr jeer isaga oo qaatay busska gaadiidka dadweynaha.

Booliska ayaa ninkan ku eedeeyay inuu sameeyay ilaa 20 fal danbiyeed oo ciqaab lagu mudan karo, kuwaas oo la xiriira xeerarka Covid-19.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan cadeymo muujinaya in ninkan uu ogaa inuu xanuunkaas qabay, waxaana booliska soo wargaliyay qof ka warqabay xaaladda ninkan oo booliska lasoo xiriiray.

Maadaama uu ninkan dhowr mar oo is-xig-xigta uu jabiyay sharciga, booliska ayaa ogolaansho u helay inay xabsiga kusii heyn karaan, ilaa ay kiiskiisa kasoo baarayaan.

Shanta(5) bisha Maarso(3) ayaa ninkan lasoo taagi doonaa maxkamada Sør-Trøndelag.

Xigasho/kilde: Tok buss selv om han var koronasmittet. Nå må han møte i retten.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments