Ilaalada xuduudaha oo qabtay 640 kiilo oo qaad ah: Kii ugu badnaa ee abid la qabto.

0
118
Foto: Tollvesenet

Ilaalada xuduudaha dalkan Norway ayaa bar-xuduudeedka Svinesund ee u dhaxeysa Norway iyo Sweden ku qabtay 640 kiilo oo qaad la qalajiyay ah. Qaadkan ayaa noqonayo kii ugu badnaa ee abid oo ay qabtaan ilaalada xuduudaha Norway.


Darawalka waday baabuurka lagu qabtay daroogadan qaadka ah oo Slovenian ahaa, ayaa markii hore sheegay inuu wado caleenta shaaha, laakiin baaritaan kadib ayaa la ogaaday inuu tahriibinayo qaad la dhex galiyay baakado loo ekeysiiyay caleen shaah. Waxaana lagu dhexqariyay xamuul kale oo uu baabuurkaas waday.

Ilaalada xuduudaha ayaa sheegay inay qaadka ku garteen urtiisa oo ka duwaneyd urta alaabta kale ee baabuurka saarneyd, taas oo gacan ka siisay inay gartaan in qaad uu baabuurka saaranyahay. Baabuurka xamuulka ah ee la qabtay ayaa usoo socday magaalada Oslo.

Booliska ayaa sheegay in qaadkan ay qabteen uu yahay kii ugu badnaa ee abid la isku dayo in lasoo galiyo gudaha Norway, iyaga oo sheegay inay baaritaan dheeri ah kusii sameyn doonaan kiiskan. Qaadkana ay daadin doonaan(tuuri doonaa).

Xigasho/kilde: Norges største khat-beslag på Svinesund.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments