Golaha Yurub: Barnevern-ka Norway si wanaagsan hala u dhaqmeen waalidiinta ajaaniibta ah.

0
127

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa labadii sano ee ugu danbeysay dhageysatay kiisaska dacwado ka dhan ah hey´addaha xanaanada caruurta Norway ee barnevern-ka loo yaqaan. Maxkamada ayaa dowlada Norway ku xukuntay inay jabisay xeerka xuquuqul insaanka Yurub, inta badan kiisaska maxkamada la geeyay.

Golaha Yurub ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray eedeymo dhowr ah u jeediyay hey´adda caruurta Norway, waxaana hey´addaha lagu dhaleeceeyay qaabka ay ula dhaqanto waalidka ajaaniibta ah ee Norway kunool. Iyada oo barnevern-ka laga codsaday inay wadashaqeyn ku dhisan kalsooni iyo fahanka dhaqamada kala duwan la sameeyaan waalidka ajaaniibta ah, intii ay doorbidi lahaayeen inay ilmaha ka qaadaan.

Golaha Yurub ayaa hey´adda barnevern-ka Norway kula taliyay in ilmaha xanaanadooda laga qaado waalidka ajaaniibta ah, loo geeyo waalidiin kasoo jeedo dalka uu waalidka ilmahaas asal ahaan ka yimid, si uusan u lumin dhaqankiisa iyo diintiisa.

Warbixinta golaha Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay in kalsooni xumo badan ay dhextaalo waalidiinta ajaaniibta ah iyo hey´addaha Barnevern-ka Norway. Arrintaasna ay mudantahay wax ka qabasho, si waalidka u baahan caawitaanka uu gacan usoo weydiisan karo hey´adaas.

Xigasho/kilde: Ber barnevernet bli flinkere til å hjelpe minoritets-familier.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments