Daraasad: Inta badan lamaanaha ilmahooda koowaad uu gabar noqdo, ayaa kala taga(furiin).

0
145

Daraasad laga sameeyay furiinka lamaanaha is qaba iyo xiriirka kala dhaxeeya ilmaha koowaad ee lamaahanaas ay dhaleen, ayaa lagu sheegay in lamaanaha uu ilmahooda koowaad gabar noqdo ay furiinka kaga badanyihiin kuwa curadkoodu uu wiil noqdo.

Waxaana sidaas lagu sheegay daraasad laga sameeyay dhowr wadan oo galbeed ah, oo laga sameeyay cilmibaaris la xiriirta furiinka lamaaha kunool dalalkaas 40-kii sano ee ugu danbeeyay.

Tusaale ahaan dalka Holland oo kamid ah dalalka cilmibaarista laga sameeyay, ayaa la sheegay in lamaahana ay ilmahooda koowaad gabar noqoto, ay 22% ku danbeeyay furiin.

Qaabka koritaanka oo la isku khilaafo:

Daraasadan ayaa sheegay in mar kasta oo gabadha curada ah ee reerka ugu weyn ay kortaba, uu sii weynaado jaaniska ah inay kala tagaan labada qof ee isqaba. Waxeyna cilmibaarayaashu sheegeen in waalidka ilmaha dhalay ay inta badan ku murmaan qaabka koritaanka gabadha, in ka badan inta ku murmaan qaabka koritaanka wiilka. Arrintan ayaana la sheegay inay kamid tahay sababaha uu furiinku ugu badanyahay waalidka ay curadooda koowaad gabar noqoto.

Labada cilmibaare ee daraasada sameeyay(Kabatek iyo Ribar) ayaa sheegay inuu yaraado muranka waalidiinta ka dhaxeeyo ee ku saabsan koritaanka gabadha, hadii aabuhu uu guri kula soo koray gabar walaashiis ah.

Xigasho/kilde: Parents of daughters are more likely to divorce than those with sons.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments