Aabe ku eedeysan jirdilka wiil 15-sano jir ah oo gabadhiisa baraha bulshada ku dhibaateyn jiray.

0
151
Foto: Il

Nin 40-meeyo jir ah ayay habeenkii jimcaha ahaa xabsiga dhigeen booliska magaalada Sarpsborg, kadib markii uu si xun u jirdilay wiil 15 sano jir ah oo gabadhiisa ku caayi jiray baraha bulshada.

Sida ay boolisku sheegeen, aabahan 40-meeyo jirka ah ayaa soo raadiyay wiilka 15 sano jirka ah oo loo sheegay inuu gabadha ku dhibaateeyo baraha bulshada, uuna soo dhigay qoraal uu iyada ku aflagaadeynayo. Kadib markii uu arkeyna wuxuu ku qabtay dhulka, isaga oo u geystay garaacis daran.

Baabuurka gargaarka deg-dega ah ayaa wiilka u qaaday isbitaalka, balse waxaa gadaal laga soo sheegay ineysan gaarin dhaawacyo xoogan oo gudaha jirka ah, marka laga reebo nabaro korka ah. Waalidka dhalay wiilka la jirdalay ayaa iyagana ku sugnaa goobta wiilkooda lagu garaacayo.

Booliska ayaa sheegay iney fahmi karaan sababta uu aabuhu u sameeyay ficilkaas, balse waxey sheegeen in marnaba wax aan la aqbali karin in nin weyn uu gacan-qaad u geysto wiil 15 sano jir ah oo aan qaan-gaar aheyn, waxeyna boolisku sheegeen in kiiskan ay ku sameyn doonaan baaritaan xoogan.

Aabahan ayaa lagu soo oogi doonaa dacwad la xiriirta inuu dhaawacyo xoogan oo daran gaarsiiyay ilmo aan qaan-gaar aheyn.

Xigasho/kilde: Mann siktet for grov vold mot 15-åring – skal ha hetset datteren hans i sosiale medier.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments