66 sano jir Soomaali ah oo lagu helay danbi ah inuu xaaskiisa si arxan daro ah u dilay.

0
163
Sawirka eedeysanaha dilka xaaskiisa qirtay: Xuseen Cigaal. Foto: Metro Police

Maxkamada woqooyiga magaalada London, ayaa danbi ah inuu xaaskiisii dilay ku heshay Xuseen Cigaal oo ah 66 sano jir soomaali . Marxuumada dhimatay ayaa sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah lagu magacaabi jiray Maryan Ismaaciil oo 57 sano jir aheyd.


Falkan ayaa bilowga bishii April ee sanadkii hore ka dhacay xaafada Edmonton ee woqooyiga magaalada London. Marxuumadda la dilay ayaa ka shaqeyn jirtay iskuul lokal ah oo kuyaal xaafada lagu dilay, halka ninka dilka geystay uu ku shaqeyn jiray darawalnimo buss.

Xeer ilaalinta booliska woqooyiga London ayaa maxkamada kahor sheegay in falka dilka ah uu ninkan u adeegsaday waxyaabo ay kamid yihiin macuunta guriga sida Mindiyo, Digsi iyo Birta malawaxda. Sidoo kale uu xaaskiisii la dhacay jaranjaro, lugta miiska iyo waxyaabo kale oo uu jirkeeda la dhacay ilaa ay ka nafbaxdo. Waxaana jirka marxuumada dhimatay laga helay ilaa 68 dhaawac oo kaga yaalay wajiga, madaxa, qaarka sare iyo jirka oo dhan.

Sarkaalka ka tirsan booliska oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee soo galay guriga lagu dilay marxuumada, oo maxkamada ka markhaati furay ayaa sheegay in muuqaalka guriga uu meydka marxuumada ugu tagay uu ahaa mid aad looga argagaxo.

Guriga hasoo galin oo jidka ku dhimo:

Ninka dilka lagu geystay ayaa markiiba booliska u qirtay inuu sabab la´aan (si micno daro ah) u dilay xaaskiisii, wuxuuna dilka xaaskiisa u qirtay nin kale oo booliska soo wargaliyay lixda(6) bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay.

66 sano jirka dilka xaaskiisa qirtay ayaa maxkamada kahor sheegay dhowr sharaxaad oo kala duwan oo ku saabsan sababta uu xaaskiisa u dilay, waxaana kamid ahaa in xaaskiisa uu ku wargaliyay inuu ku dhacay feyruska covid-19, balse ay ku amartay inuu guriga uga baxo oo uu wadada(jidka) ku dhinto. Kadibna uu ku warceliyay, inta aanan bixin kahor, adiga ayaan rabaa inaan ku dilo. Wuxuuna sheegay in halkaas uu ka bilowday gacanqaadka dhexmaray labadooda ee sababay dhimashada xaaskiisa.

Booliska oo baaritaanka Corona ka qaaday ninka soomaaliga ah, ayaa sheegay in laga waayay wax calaamad ah oo muujineyso inuu qabay covid-19 xiliga uu dilka geysanayay. Xeer ilaalinta booliska ayaa ninkan ku eedeeyay in Covid-19 uu ka dhiganayo muraamarsiyo uu kiiska dilka ah qiil ugu sameeyo, balse 66-sano jirka eedeysanaha ah ayaa arrintaas iska fogeeyay.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inuu iska difaacay xaaskiisii uu dilay oo weerar kusoo qaaday, balse danbi-baarayaasha booliska ayaa jirkiisa ka waayay wax dhaawac ah oo muujinayo in lasoo weeraray.

Xeer ilaalinta booliska ee kiiska kusoo oogay ninkan ayaa sheegay in marka la fiiriyo dhaawacyada loo geystay marxuumada geeriyootay ee jirkeeda laga helay iyo muuqaalka guriga uu dilku ku dhacay, ay muujiyaan in dilku ka dhashay xanaaq iyo is dabeecad xumo.

Garsoorka maxkamada ayaa beri oo jimce ah go´aamin doonto mudada xabsiga ah ee ninkan lagu xukumi doono

Xigasho/kilde: Hussein Egal: Bus driver who claimed he killed his wife after Covid row guilty of her ‘frenzied’ murder.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments