66-jirkii soomaaliga ahaa ee xaaskiisa dilay oo xabsi daa´in lagu xukumay.

0
96
Sawirka: Xuseen Yuusuf Cigaal iyo xaaskiisii uu dilay Maryan Ismaaciil. Foto: Metro Police/Central News

Maxkamadda woqooyiga magaalada London, ayaa xabsi daa’in ku xukuntya Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 sano jir soomaali, kadib markii lagu helay dambi ah inuu diley xaaskiia Maryan ismaaciil oo 57 sano jir aheyd.

Falka dilka ah ayaa bilowga bishii April ee sanadkii 2020 ka dhacay xaafada Edmonton ee woqooyiga magaalada London. 66-jirka soomaaliga ah ee dilka geystay ayaa ahaa darawal buss, halka marxuumada la dilay ay ka shaqeyn jirtay iskuul lokal ah oo isla xaafada kuyaal. Halkan kasii akhri warkii koowaad oo ay kiiskan ka qornay.

Booliska ayaa tegey guriga Cigaal, kadib markii uu ugaga sheekeeyay xaaladiisa nin ay deris ahaayeen, wuxuuna ninkaas warka loo sheegay uu la wadaagay booliska, isaga oo sheegay in cigaal uu u sheegay in xaaskiisii uu dilay, meydkeedana uu guriga yaalo.

Meydka haweeneyda u dhaxday CIgaal ayaa laga soo dhex helay gurigeeda maalin kadib markii uu diley bishii April 2020.

Xeer ilaalinta booliska woqooyiga London ayaa maxkamada kahor sheegay in falka dilka ah uu ninkan u adeegsaday waxyaabo ay kamid yihiin macuunta guriga sida Mindiyo, Digsi iyo Birta malawaxda. Sidoo kale uu xaaskiisii la dhacay jaranjaro, lugta miiska iyo waxyaabo kale oo uu jirkeeda la dhacay ilaa ay ka nafbaxdo. Waxaana jirka marxuumada dhimatay laga helay ilaa 68 dhaawac oo kaga yaalay wajiga, madaxa, qaarka sare iyo jirka oo dhan.

Sarkaalka ka tirsan booliska oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee soo galay guriga lagu dilay marxuumada, oo maxkamada ka markhaati furay ayaa sheegay in muuqaalka guriga uu meydka marxuumada ugu tagay uu ahaa mid aad looga argagaxo.

66 sano jirka dilka xaaskiisa qirtay ayaa maxkamada kahor sheegay dhowr sharaxaad oo kala duwan oo ku saabsan sababta uu xaaskiisa u dilay, waxaana kamid ahaa in xaaskiisa uu ku wargaliyay inuu ku dhacay feyruska covid-19, balse ay ku amartay inuu guriga uga baxo oo uu wadada(jidka) ku dhinto. Kadibna uu ku warceliyay, inta aanan bixin kahor, adiga ayaan rabaa inaan ku dilo. Wuxuuna sheegay in halkaas uu ka bilowday gacanqaadka dhexmaray labadooda ee sababay dhimashada xaaskiisa.

Booliska oo baaritaanka Corona ka qaaday ninka soomaaliga ah, ayaa sheegay in laga waayay wax calaamad ah oo muujineyso inuu qabay covid-19 xiliga uu dilka geysanayay. Xeer ilaalinta booliska ayaa ninkan ku eedeeyay in Covid-19 uu ka dhiganayo muraamarsiyo uu kiiska dilka ah qiil ugu sameeyo, balse 66-sano jirka eedeysanaha ah ayaa arrintaas iska fogeeyay.

Xeer ilaalinta maxkamada ayaa sheegay in Cigaal uu dilka u geystay qaab ay ka muuqato caro iyo xanaaq xoogan, sidaas darteed aan lagu haleyn karin in amni ahaan bulshada lagu sii dhexdaayo.

Xigasho/kilde: Bus driver who said Covid ‘made him crazy and kill his wife’ is jailed for 22 years for beating her to death with hammer, meat cleaver and a table leg.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments